|

Xisbiyada Mucaaridka oo Cod Dheer kaga digay aqbalaada Mudo Kordhin loo sameeyo Madaxweyne Siilaanyo DAAWO

Hargeysa:Feb,07,2015(SDN/QJ)-Labada Xisbi-mucaarid ee Waddani iyo Ucid, ayaa ku dhawaaqay Guddiyo isku dhaf ah oo ay yagleeleen, kuwaas oo salka ku haya sidii loo dardargelin lahaa Arrimaha Doorashooyinka ee Dalka kusoo foolka leh, isla-markaana ay u abuuri lahaayeen Mucaaridad xooggan oo dalku yeesho.

wadani-iyo-ucid1-300x168Shir Jaraa’id oo maanta Guddiyadan labada xisbi Ka Socotaa ku qabteen Magaalada Hargeysa, ayey Faahfaahin ku sheegeen inay diyaar u yihiin sidii dalka looga qaban lahaa Doorashooyin aan muddo dhaafin, iyagoo carrabka ku adkeeyey inay si midaysan uga shaqayn doonaan sidii doorashooyinkaasi dalka uga hirgeli lahaayeen.

Guddidan oo ka kooban Toban Xubnood oo shaniba Xisbi Ka Socoto, ayaa, ayaa tilmaamay in ujeeddadoodu salka ku hayso sidii ay iskaga kaashan lahaayeen qabyo-tirka Arrimaha Doorashada soo socota,

“Waxanu halkan ku fadhinaa Laba Guddi oo labada Xisbi soo wada saareen oo ka tashanaysa, kana shaqaynaysa xaaladda guud ee dalku marayo, doorashooyinka inagu soo foolka leh iyo wixii laga yeeli lahaa. Iyo waliba sidii ay u qabsoomi lahaayeen, kulankanina waa kii koowaad qaar kalena waa yeelan doonaan, waxa kale oo aanu ku heshiinay inaanu iskaashi buuxa oo mucaaridnimo yeelano.”ayuu yidhi Cabdinaasir Qodax oo kamid ah Saraakiisha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid, isla-markaana kamid ah Guddidan Labada Xisbi Samaysteen.

Cabdinaasir Qodax oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in ajandaha ay ugu jirti sidii wada shaqayn buuxda ay ula yeelan lahaayeen Guddida Doorashooyinka qaranka, isla-markaana si wada jir ah la isula meeldhigi lahaa qabsoomidda Doorashoyinka soo socda, waxana uu yidhi,

“Waxaynu la soconaa in 26-ka juun ay ku egtahay doorashooyinkii madaxweynaha iyo tii baarlamaankuba, wixii laga yeeli lahaana 26-ka Kune kabacdi waanu isla soo qaadnay waana isla waafaqnay, waxa kale oo ajandaha noogu jirta hawsha weyn ee Komishanka qaranku ku jiraan inaanu dhawrno oo inta ay hawsha ku jiraana aanu wada shaqayntii aanu la wadnay sii xoojino wixii caqabado ku ah Qabsoomidda doorashooyinkana aanu wada shaqayn buuxda ka yeelano.”

Mudane Qodax waxa uu tilmaamay in Guddidoodu si midaysan isula garteen in Baarlamaanka Iyo madaxweynaha midkoodan aan loo samayn Karin wax muddo kordhin ah, waxana uu yidhi,

“Waxanu kasoo horjeednaa oo isla waafaqnay in muddo-kordhin la sameeyo, sidii doorashoo loo qaban lahaa ee Labada Gole ee Baarlamaanka iyo Madaxtooyadaba aan muddo kordhin loogu samayn lahayn waanu isla soo qaadnay.”

Cali Cilmi Geelle oo ahaa wasiirkii hore ee Wasaaradaha Boosasha iyo Isgaadhsiinta, haatanna ah Xubin sare oo Xisbiga Waddani kamid ah, ayaa isaguna halkaas ka Hadlay, waxana uu sheegay in ujeeddadoodu tahay sidii ay samayn lahaayeen Saaxad mucaaradeed oo awood badan leh, soona jiidata Bulshada wax tebaysa, isagoo si cad carrabka ugu adkeeyey inay kasoo horjeedaan Muddo kordhin loo sameeyo Baarlamaanka iyo Madaxtooyada midna, waxana uu yidhi,

“Waxanu dadka u sheegaynaa labadaas xisbi ee Ucid iyo Waddani iskaashi bay bilaabeen, waxana aanu Halkan ku fadhinaa Guddiyo min shan ah oo wada shaqaynta Labada xisbi ka shaqayn doona, mucaaradaddan dadka qaar haddii ay u yaqaaniin in la caytamo annagu caytami mayno, wixii wanaag ah ee cidda talada haysaa qabatana waanu sheegi, wixii ku xunna waanu sheegi, maantana waxa noo bilowday Wakhti wanaagsan oo labadayda Xisbi aanu kaga tashanaynno aayaha Dalka, Waxana aanu xoojinaynaa haddii ay 26-Ka June ay Gaadho in Xukuumaddi Wakhtigeedii uu dhamaaday Baarlamaankana wakhtigiisii uu dhamaaday.”

Isbahaysigan cusub ee Xisbiyada Waddani iyo Ucid u samaysteen Dardargelinta Arrimaha Doorashooyinka soo socda iyo Qabanqaabadooda, ayaa kusoo beegmaya xilli Madax-dhaqameed dalka saamayn ku lihi shaaciyeen in muddo-kordhin loo samayn doono Madaxweyne Siilaanyo, waxana Hadalkaas loo arkaa mid hoos u dhigi kara Xawaaraha Mucaaridku ku doonayaan in doorashooyin aan muddo dhaafin la qabto.

Hore ayey Labada Xisbi ee Ucid iyo Wadani u samaysteen Isbahaysi siyaasadeed oo saldhigiisu ahaa sidii loo abuuri lahaa Saaxad mucaaradeed oo awood badan leh, balse taasi ma noqon wax midho dhala, waxana dad badani aaminsan yihiin inaanay mucaaridka Maantu lahayn Awooddii ay Hoggaanka Dalka ku Hanan lahaayeen.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed