|

WARSAME IYO WARMOOGE:DUNI AAKHIR SABAAN!

Warsame iyo Warmooge waa laba oday oo saaxiib ah mana heshiiyaan mana kala tagaan, kaftanka iyo sheekaduna waa u dhex, waxay ka hadlaan dhacdooyinka maalinlaha ah ee bulshada dhexdeeda ka jira.Waa qormooyin taxane ah oo ka hadlaaya xaaladaha dalka ka taagan.

Qore Mustafe Maxammed (Mustafe Daad)

 

Warsame:  Duni aakhirsamaan dheh

                    Dad isdhalaan rogay dheh

                    Dal laga haajiray dheh

Warmooge: Alla waar miyaanu ninkaasi Warsame ahayn! hadmaad dalka timid?

Warsame:   waar dhawaane kumaad ahayd?

Warmooge: horaa loo yidhi nin qurbaha ku raagay qolqol joogaa caqli dhaamee, layaab ma lihid.

Warsame: Alla waa Warmooge

Muuqaaqii maxaa doorshay

Ma mirqaanbaa kula fogaaday

Ma waayahaa kugu xumaaday

 Ma kuruusbaa ku gamuuray

Warmooge: waar kan yaa u warama.

Dalkan aad arkaysid

Dagaalkaan usoo galay

Darxumadaan u maray

Dal sheshaad ka jirtee

Daalaco waayaha yaal

Waxaan qaad u daldalaa

Waxa doorshay muuqayga

Waxaan u dadaalayaa

Dulmanahaa la quudhshee

Dadku ay takooreene

Deegaankeenan ku nool iyo

Danyarahaa lagu tuntee

Nin doolar iyo dahab haystaa

Daqiiqda ku dalacaayee

Inuu habeen u dumana

Damacoodu yahay inaan

U daabaco qorshaan

Daanka u kuusayaayoo

Darbiga ugu jiraayee

Dalka maxaad keentay?

Warsame: kulahaa waxaan rabaa inaan dulmi la dagaalamo, sawdigan darbiga jiqilada dheeraystay ee hadba mirqaanku daar kuu dhisaayee ka duminaaya,tiisaba daryeelaa tukale ku daray murti ahayde fadhiga ma ka kacnaayoo dadka ma u adeegnaa.

Dalkayga waxaan u imid

Dadkayga inaan u adeego

Danyarta inaan caawiyo

Danta guud ka shaqeeyo

Dugsiyo inaan dhiso

Dayaxa inaan gaadhsiiyo

Daruuraha inaan dhaafsho

Daaro inaan ka dhisto

Doolar inaan ka helo

Dayuurada uma soo raacin

Ma dadaalnaa moogoow

Warmooge: waan aqbalay taas laakiin dantaa nagu kaliftay sidaase dalka wax u taraan laahaaye, haddiise aan manta helay cid i caawisa ana diyaar…

Warsame: dalku maaha sidii la iiga waramay, waa dal jiree mar haddii taariikhdii la leeyahay yay duugoobin hore loo talaabsay.

Warmooge: waligaabaad marka geel loo heeso, goroyo u heesi jirtay…

 

Comments are closed