|

Xawaaladaha Soomaalida Maraykankanka Oo 80% Maanta Xidhmay Iyo 20%-Ka Kale Oo Dhawan Xidhmaya

Sacramento:Feb,07,2015(SDN/QJ)-Waxa maanta la gaadhay Gunaadanka wakhtigii Baanka ku yaalla California u qabtay inuu ku xidhayo Akoonada Xawaaladaha soomalidu ku lahaayeen, taas oo saacado kahor Albaabada loo laabay.

edooXawaaladihii Soomaalidu ku lahaayeen Dalka Maraykanka, ayaa80% la xidhay, halka 20%-kii hadhayna la xidhi doonaa 20-ka Bisha March ee soo socota, waxana cirka isku sii shareeraya dhibaatada soo foodsaartay Soomaalida halkaas ku Nool.

Baanka ku yaalla California, ayaa ayaa waxa dhacday saacadihii ugu dambeeyey ee uu uqabtay dadka soomalida ah, waxana aanu jawaab ka bixin codsiyo kala dambeeyey oo soomaalidu ku codsanayeen inuu dib ugu dhigo.

Sababta ugu weyn ee Xidhitaanka Xawilaadahan, ayaa salka ku haya shaki maraykanku ka qabo kooxaha islaamiyiinta Shabaab ee Gudaha Somalia ka dagaallama, iyadoo shaki laga qabo in dhaqaale kooxaasi ka helaan Hannaanka Xawaaladaha.

Meelo badan oo caalamka kamid ah ayaa laga cambaareeyey dhibaatada soo foodsaartay Xawaaladaha Soomaalida, waxana haatan fadhiga ka kacay xubno kamid ah Aqalka Kongareska, kuwaas oo ku dhawaaqay inay diidan yihiin tallaabada lagu xidhayo Akoonadii xawaaladaha soomaalidu ku lahaayeen Baananka Maraykanka.

 

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed