Maxaa Kalifay in Boqor Buur-madow uu ku hadaaqo Hadalada Madhan ee aan Mariibneyn ee aan Macnaha badan Lahayn?
Wareysi lala yeeshay Boqor Buur-madow dhawaan wuxuu si idho adeyg ah uu carabkiisa ummadda ugu cel-celiyey oo ku canqariyey hadalo madhan oo aan macne badan laheyn. Somaliland waxaa Wasaaradeeda Arimaha gudaha u diiwaan gashan Kun boqol iyo shan iyo afartan (1145 ) mudane oo beelaha JSL metela oo ay dhamaan caleemo saareen kuwaas oo isugu jira, boqoro Salaadiin iyo cuqaal miyir qaba oo karaamo iyo kartiba ku leh Degelada ay metelaan iyo degaanada Somaliland oo dhan min Bari ilaa Galbeed.Tiradaa badan ee Salaadiinta Somaliland oo dhan metela oo jifo walba leh weli mid ka mid ahi kumuu hadrin kumana uu hadaaqin ficilo Beelaysan oo qaawan sida Buur-madow oo kale, halka uu caadeystay boqor Buur-Madow hadalo iyo hawraar madhan oo aan dux iyo iidaan laheyn. Waxaan Shacabka reer Somaliland aan ka codsanayaa in ay fiiro gaar ah iyo dhug u-yeeshaan hadaladan xajiimaysan ee naxliga huursan huwan ee ka soo burqaday boqorka oo ka soo jeeda jifada labada Muwaadina ee wadanka ugu sareeya oo kala ah Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Golaha Guurtida. hadaba waxaa 4 Million ee shacab weynaha reer Somaliland ay fahmi waayeen oo ka degi weydey wax yaabaha Boqorka ku kalifay in uu afka gacanta geliyo iyo waxa uu ula jeedo marka uu leeyahay hadaladan xasaasiyada wata ee hoose:
1– Talada qaranka in aanu hogaanimo qorsha way noogu jirtaa?
2-Beel ahaan 5 sano oo keliya noo cuntami mayso oo naguma filna?
3– Marka labada Sanadood ee mudo kordhintu madaxweynaha udhamaato dib mar danbe isuma soo taagayo?
4-Muxuu ula jeedaa ama shacabku uqaadan karaan marka uu leeyahy Waa qasab in mudo la kordhiyaa?
5– Muxuu ula jeedaa ama Shacbka reer S/land u-qaadan karaan marka uu leeyahy Golaha Guurtida rajo fiican ayaanu ka qabnaa?
6– Muxuu ula jeeda marka uu leeyahay Xisbi mucaarad ah Wadani uun baa ka jira? ma isagaa Xisbigii Ucid liisanka ka qaadey?
7– Waa Yaab’e Muxuu Boqorku usugi waayey inta ay dhamaaneyso mudo xileedka madaxweynaha ee mudada koobani ka hadhey?
Shacabka reer Somaliland waxay Diiwaanka Gashadeen hadaladaa iyo hawraartaa hurgumada ah ee boqorku hurgufay, Waase loo joogi in ay mashqac ahaayeen iyo in ay dhab noqdaan labadaba! wixii nool! Waxaan leeyahay Buur-Madow ” caanuhu waxay ku wanaagsan yihiin hoo yoo ii soo hanbee iyo magaabo wadaag ah oo isu dhiib-dhiib ah“. Amaanadii loo dhiibtay Madaxweyne Siilaanyo waxaa dastuurkeenu qiray in ay ku kooban tahay 5 sano oo keliya hadii waqti la kordhinaayana xeer iyo Dastuurka qaranka ayaa qeexaaya.Somaalidu waxay ku maad-maahdaa “amaano kugu raagtay in aad leedahay ayaad is moodaa” Laakiin laba bide beerka iska og!!
Boqor Buur Madow wuxuu caayey caqligii,garaadkii, garashadii iyo dimuqraadigii yaraa ee shacabka reer Somaliland ay ku taamayeen mudada dheer. Sadex iyo Labaatankii sanadood ee JSL soo martey ilaa dawladii A/rahman Ahmed Ali, Mohamed Ibraahim Cigaal (alleh how naxariistee ) iyo Mudane Daahir Riyaale Kaahinba, weli nin boqor sheegta, mid Suldaan sheegta, mid Caaqil sheegta iyo nin beel baanu ka soo wada jeednaa madaxweynayaasha yeegtaba, weli nin beel metelaa umuu doodin oo gole lamuu soo fadhiisan oo mikirifoon umuu soo qaadan in madaxweyneyaashaa aan kor kaga soo dhawajiyey in mudo loo kordhiyo.Sidaa daraadeed hadaladan aan mariibneyn ee aan macnaha badan laheyn ee ka soo burqanaaya
boqor Buurmadow wuxuu nusqaan iyo fadeexad qaawan ku yahay Madaxweynaha Somaliland Ahmed Mohamed Mohamoud “Siilaanyo” oo ay isku beel ka soo wada jeedaan oo si Dimuqraadi ah shacabka reer Somalilnd ay 51% ay codkooda ku doorteen oo u dirteen in uu noloshooda wax ka bedelo.Waxaa maanta ceeb ah in shaqsi boqor sheganayaa uu sharaftii iyo karaamadii beeshuu metelaayey uu ku gal-gasho oo uu meel kaga dhaco oo ummadda farta ugu fiiqo oo ku soo hogaamiyo oo ku soo jeediyo. Waa yaabe boqorku ma wuxuu Somaliland u haystaa in kolba beeli madaxa ku duubato Somaliland oo madax ka noqoto, miyaaney JSL ahayn qaran dimuqraadi ah oo madaxweynuhu ku yimaado doorasho xor ah oo xalaal ah.
Waa nasiibdaro in maanta Somaliland oo ahaa qaran yar oo dimuqraadi curdin ah oo ku dhisan nidaamka asxaabta badan oo qabyo badani ka muuqato uu hada ku danbeeyey in Qarankii Quluuntii iyo Qoomiyadiiba isweydo oo shaki kala dhex-galo Maadaama shacabkiiba ay qayb-qayb ,qabyaalad, qof-qof, koox, koox iyo beel, beel uun ku hadaaqayaan si qolaba qolada kale wax uga ridato oo xaqooda iyo xuquuqdooda u-duudsido waxaana qabyaaladaa hindhisey oo mataaneeyey oo dib u soo celisay xukuumada Talada haysa hawl-wadeenadeeda iyo boqoradeeda oo Buur-madow uu ugu horeeyo.
Geba-Gebo: Waxaynu wada ognahay in aan JSL weli la ictiraafin oo aynu nahay ” De Facto” means Concering facts, oo ah dal jira. Wuxuu Buur-Madow ahaa in uu dhinaciisa ka tafo-xayto oo ka baadi goobo ictiraaf raadinta oo ah “ De jure ” Concerning Law. laakiin wuxuu doorbiday in uu dab ka sii huriyo dalka oo shacabka JSL iska hor-keeno,Habada waxaan leeyahay Boqorka ‘ Hadii aanad hintaaqada iyo hagardaamada shacabka reer Somaliland aad kala fadhiisan waydo waxaa meel dheer laga dooni doonaa De Facto oo ah qarankan yar ee raad qaadka ah ee ragaadey ee raranka saarmey ee tawsta iyo tabaalaha ba’an, taab la rogi waayey ee la taahaaya ee cadow giisu dhinac walba miciyaha uu u soo lisanaayo.
Ee Allow sahal amuuraha aakhiro samaan oman baa yimiy’e.”
Alleh ayaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)
Wa Laahum-Aclam Wa-Billahi-Towfiiq
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Qoraa-Madaxbanaan
Intensive ED BD PA
UK