Xukuumada Somaliland oo La Wareegtay Hubkii Saarnaa Markab dhawrkii Cisho ee u danbeeyay Berbera DAAWO
Berbera 02.Feb 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade ayaa Maanta daboolka ka qaaday in Xukuumada Somaliland ay la degtay Shixnadii Hubka ahayd ee Saarnayd Markab dhawrkii Cisho ee u danbeeyay ku xidhnaa Dekeda Magaalada Berbera.
Hubkan ayaa Markabka laga Dejiyay Habeenkii Xalay Ilaa iyo haatana ma jirto Cid si cad u sheegatay lahaanshihiisa.