Hubkii Saarnaa Markabka Dekedda Berbera Taagaan Oo Xalay La Dejiyey Iyo Faahfaahin dheeraad ah Oo Laga Helay Noocyada uu Ka Kooban Yahay
Berbera:Feb,02,2015(SDN/QJ)-Waxa xalay goor dambe la dejiyey Gebi ahaanba Hubkii saarnaa Markabka muddada laga hayey Dekedda Magaalada Berbera sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ilo xogogaal ahi.
Xogahaha aanu hayno ayaa intaas ku daraya in wada tashi dheer oo saraakiisha ammaanka xukuumada Madaxweyne siilaanyo, ay go’aamiyeen inay hubkaas dejiyaan, maadaama uu muddo dheer halkaas ku xanibnaa.
War sax ah wali lagama soo saarin waxa laga yeelayo markabka hubkan xambaarsanaa, waxase la filayaa in gacanta lgu sii hayn doono oo aan lasii dayn doonin ilaa iyo inta caddaymo rasmi ah la helayo.
Xogaha warbaahintu ka helayo noocyada hubkan xalay lasoo dejiyey, ayaa sheegaya inuu ka koobnaa Hal Kaare, Hal madfac oo weyn, laba baabuur oo gantaalaha Rocket-ku ka dhacaan iyo dooni nooca aan xabaddu Karin ah.
Hubkan ayaa halkaas markabkaas saarnaa muddo toban maalmood ah, waxana masuuliyiinta somaliland shaaciyeen inuu soo dhamaaday Baadhitaanno la doonayey in lagu ogaado ciddii hubkan lahayd, taas oo aan ilaa iyo haatan la helin.
Maanta ayaa la filayaa in masuuliyiint ammaanka dalku ka hadlaan meesha hubkan la geyn doono iyo inay dawlad ahaan la wareegi doonaan.
SDN/QJ