Masar Oo Sii Daysay Wariye Reer Australia Ah Oo Al-jazira u Shaqaynayey Iyo Laba Kale Oo Wali xidhan
Cairo:Feb,01,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Dalka Masar ayaa la sheegayaa inay sii daysay Wariye Peter Greste oo kamid ahaa saxafiyiintii u shaqeyneysay taleefishinka Aljazeerak, muddo bandanna ku xidhnaa Halkaas.
Greste oo hore ugu shaqeyn jirey BBCda una dhashay dalka Australia ayaa loo duuliyay dalka Qubrus,isagoo ku xidhnaa xabsiyada dalka Masar tan iyo December 2013 laguna eedeeyay in u faafinayay warar been ah ayaa maxkamad ku taal magaalada Qahira waxa ay xukuntay bishii June sanadkii 2014.
Hase yeeshee illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ku saabsan labada saxafi Mohamed Fahmy iyo Baher Mohamed ee u shaqeynayay taleefishinka Aljazeer oo weli ku xidhan dalka Masar.
Hase yeeshee weriyaashan ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay ee ahaa inay faafinayeen warar been abuur ah. Aljazeera ayaa soo dhoweysay sii deyntan Peter waxayna ka dalbatay markale dowlada Masar inay sii deyso labada weriye ee weli ku hadhsan xabsiyada Masar.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com