“Xisbiyadda Mucaaridka Ahi Markay Yimaadaan Ha Soo Celiyan Kan iyo Calankiiba Laakiin Anagu Waanu Ka Guurnay” Xasan Maxamed Yuusuf DAAWO
Hargaysa 02.Feb 2015 (SDN/QJ)- Agaasimaha Waaxda Idaacadaha Somaliland ee Wasaarada Warfaafinta Xasan Maxamed Yuusuf Ayaa Ka Hadlay Sababihii Keenay in la bedelo Astaantii hore ee Wararka Idaacada iyo Telefishanka qaranka ee la bedelay Kaas oo Shakhsiyaad ka Mid ah Xisbiyada Mucaaridku ay qaab Siyaasadaysan uga Hadleen.
Agaasimahan ayaa hadalkan ka Jeediyay Kulan uu la qaatay Weriyeyaasha iyo Barnaamij soo saarayaasha Idaacada Radio Hargaysa.