|

Diyaaradaha Maraykanka Oo Duqaymo La Eegtay Goobo Ay Ku Sugnaayeen Saraakiil Al-shabaab ahi Oo Ku Yaalla Gudaha Somalia

Muqdisho:Feb,01,2015(SDN/QJ)-Diyaaradaha Maraykanka, ayaa la sheegayaa inay shalay Gelinkii dambe duqaymo xooggan ka fuliyeen Deegaano ku yaalla Tooratoora oo ku yaalla Gobolka Shabeelaha Hoose, waxana badhtilmaameedku ahaa Saraakiil Al-shabaab ah oo halkaas ku sugnaa.

equDuqayntan oo ka dhacday Goobo ay adagtahay in warkeeda la helaa ayaan la ogeyn qasaaraha ay geystay iyadoo gantaalka la sheegay in uu ku dhacay guri ay degenaayeen saraakiil ka tirsan ururka Alshabaab oo ku yaal meel u jirta 25km deegaanka Toorotoorow.

Illaa hadda lama oga qasaaraha ka dhashay weerarkan gantaalka ah ee ka dhacay deegaan ka tirsan Toorotoorow inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in duqeyntaasi ay ka dhalatay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka qaar ay sheegaya in duqeyntan loo geystay gaadhi ay saarnaayeen saraakiil ka tirsan ururka Alshabaab. Mana jirto illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay ururka Alshabaab ee la xidhiidha weerarkan.

Ururka Alshabaab oo ka baxay inta badan magaalooyinka waaweyn ee ay hore u haysteen ayaa waxaa ay weli ku sugan yihiin tuulooyin ku yaala deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose iyo degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Jubbada Dhexe.

Weerarada gantaalada ee lagu duqeeyo baro ay leeyihiin ururka Alshabab ayaa inta badan waxa ay yihiin kuwa ay sheegato dowlada Maraykanka.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed