Puntland Oo Fasiraad Diblomaasiyadda Ka Baxsan Ka Bixisay Shixnad Hub ah Oo Dekedda Berbera Kasoo Degtay
Garowe:Jan,30,2015(SDN/QJ)-Puntland ayaa Noqotay Maamulkii ugu horreeyey ee Jawaab ka Bixiya Markab shixnad Hub ah siday oo dhawaan kusoo xidhay Dekedda Berbera, waxana ay bixisay Fasiraad liddi ku ah Hanaanka Diblomaasiyadeed ee arrimaha Noocan oo kale ah looga Hadlo.
Wasiirka Amniga Puntland Xasan Cismaan Maxamuud (Aloore) ayaa isagoo gees ka dhaafay, isla-markaana iska indhotiray Habkii hubkasi uga soo degay Marsada Berbera sheegay in hubkaasi uu khatar ku yahay ammaanka guud ee Soomaaliya, isla markaana uu colaad hor leh sababi karo.
“Puntland waxay si dhow ula socotay markab sida hub iyo gaadiid dagaal oo bishii January 24 sanadkan 2015 ku soo xidhay dekeda Berbera, markabkaas oo Somaliland uu shaacisay in markab hub iyo gaadiid dagaal sida oo si qaldan ugu soo xidhay dekeda berbera, isagoo aan wax ogolaansho ah ka heysan somaliland”ayuu yidhi Wasiirka Amniga Puntland.
Sidoo kale Wasiirka Amniga Puntland ayaa sheegay in dowladdda Federaalka, dowladaha deriska ah iyo Beesha Caalamka ay ku wargelinayaan in hubkaas uu yahay mid khatar ah, isla markaana ay ka digayaan inuu u gacan galo Al-Shabaab.
“Waxaa ku wargelineynaa dowladda Federaalka, dowladaha deriska iyo beesha Caalamka in hubka ka degay Somaliland uu khatar ku yahay ammaanka Guud ee Soomaaliya, waxaa ka digeynaa inuu u gacan galo Al-Shabaab”ayuu yidhi Wasiirka Amniga Puntland Xasan Cismaan Aloore.
Wasiirku waxa uu soo jeediyey Eedo aanu wax daliil ah haynin oo uu korka ka saaray Somaliland, waxana uu tilmaamay in Somaliland ay Taageere u tahay Kooxda Al-shabaab, waxana uu yidhi,
“Puntland waxay hore u sheegtay in Maamulka Somaliland uu xidhiidh la leeyahay Al-Shabaab, waxaan si gaar ah uga digeynaa in hubka ka degay Berbera uu u gacan galo, kooxaha wali ku dhuumaaleysanaya Buuraha Galgala”ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa dhowaan sheegay in hubka ku xidhay Dekeda Berbera ay baadhitaan ku wadaan cida leh iyo halka uu ka yimid, iyadoo arrintan ay aheyd mid si aad ah loo hadal hayay.
SDN/QJ