Mu’addin Masjidka Nabiga SCW 58-sano Ka Addimiyey Oo Si Kedis ah U Geeriyooday
Madina:Jan,30,2015(SDN/QJ)-Kaamil Saalax Amed Najdi oo ah Mu’adinkii Masaajidka Nabiga scw ee xaramka barakaysan ee Madinah, ayaa si kedis ah u geeriyooday kadib uu salaadii Cishaa’I edaamay, ka dibna aqiimay ee uu tukaday, kuna gutay Masaajidka barakaysan.
Sheekh Kaamil, ayaa ku dhawaan muddo lixdan sano ah mu’adin kasoo ahaa Masaajidka Barakaysan, kaas oo caan ka ahaa gebi ahaanba dunida islaamka.
Sheikh Najdi oo qoyskoodu muddo dheer mu’adin-nimada Masaajidka barakaysan ee Madinah iska soo dhaxlayeen, waxa markii ugu horaysay uu mu’adinka rasmiga ah ee Masaajidka Nabiga (NNKHA), noqday sanadkii 1378-kii Hijriga, xiligaas oo ku beegan sideed iyo konton sanadood ka hor.
Sheekha ayaa geeridiisa laga dareemay gebi ahaanba Dalka Sucuudiga, waxana dad badani ay xasuusan yihiin Codkiisii cajiibka ahaa ee uu ku addimi jirey.
Sheekha ayaa lagu aasi doonaa Gudaha Magaalada Madiina ee uu ku yaalla Masaajidka Baraykasani, waxana aaskiisa kasoo qaybgeli doono Malaayiin muslimiin ah oo dalkaasi ku nool.
SDN/QJ