General Jidhif Oo Soo Jeediyey In Ciidamada Qaranku La Wareegaan Hubka Saaran Markabka Dekedda Berbera Taagan
Hargeysa:Jan,30,2015(SDN/QJ)-Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland Maxamed Xasan Cabdilaahi Jidhif, ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay Markab sida Shixnad hub ah oo dhawaan kusoo xidhay Dekedda Magaalada Berbera.
General Maxamed Xasan Cabdilaahi Jidhif waxa uu sheegay in hubkaasi ay haboon tahay in ciidada qaranku la wareegaan isagoo taasna ku sababaeeyey in la waayey ciddii iska lahayd,
“Makabku haddii aanu manifest(warqadda caddaynaysa waxa saaran) alaabtu aanay ku qornayn oo aanay dekedda lasoo hadal oo dawladdu ogayn, macnaheedu waa waxa uu sidaa Hub sharci darro ah, ilaa maantana hubkaas cid sheekatay ma jirto, haddii ay sidaas tahayna in cidamadu la wareegaan.” Ayuu yidhi General Gidhif.
Mudane Jidhif oo dhinaca kale ka hadlay arrimaha ka taagan Gobolka Awdal iyo xaaladda uu suldaan Wabar buuraha ku galay, ayaa sheegay in suldaankaasi looga baahan yahay inuu waddanka ka daayo xaalad abuurka, isla-markaana uu maanka ku hayo inaan dadkiisu ku raaci doonin go’aanka uu gaadhay, waxana uu yidhi,
“Gobolka Awdal Caqlibaa taliya oo cilmi baa taliya una malayn maayo waxyaabaha meelo kale ka dhacaa inay dhici karaan, suldaan Wabarna waxan leeyahay waan dareemi karaa xaaladda aad ku sugan tahay oo ah mid aan biyo laydh toona lahayn suldaan qori qaatayna laga wanaagsan umaddan aad meteshaana kugu raaci mayso oo waa umad sarraysa.”
Maxamed Xasan Cabdilaahi Jidhif, ayaa kamid ah Aqoonyahannada reer Somaliland ee Arrimaha Ciidamada Cilmiga badan u leh, waxana uu si gaar ah ugu takhasusay Arrimaha Miinooyinka iyo Noocyada kala duwan ee Hubka.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com