|

Somaliland oo Sheegtay inay Kaalin ku Leedahay Ilaalinta amniga Qaarada Yurub

Brussels 29 January, 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Arrimaha Dibedda Md. Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in madax-banaani dalkiisu helo faa’iido u leedahay caalamka, isla markaana xilligan ka shaqeeyaan sidii waddooyinka Yurub amaan u noqon lahaayeen.

Buiix-300x157Mr. Biixi oo wareysi dhinacyo badan leh siiyey wargeyska New Europe ayuu ku sheegay in Somaliland la soo noqotay madax-banaanideeda sannadkii 1991, wakhtigan inkastoo aanay aqoonsi haysan oo ay ula macaamisho dal ahaan dunnida, waxaanu yidhi, “ Xaqiiqada, aqoonsi weli ma haysano, laakiin, waxaanu nahay dal madax-banaan, waxaanan ula macaamilnaa waddamadda kale iyo dunida dal gaar ah,” ayuu yidhi Biixi. Isagoo raaciyey “Laakiin, waxaan go’aansanay inaan si fool-ka-fool ah wada xaajood ula galno jaarkayaga Soomaaliya, si aanu u gaadhno inaan ku dhamaysano gaadhitaanka madax-banaani iyo arrimaha noo dhexeeya wadahadal.”

Wasiirka Arrimaha Dibedda Mr. Biixi ayaa sheegay in dalkiisu leeyahay nidaam sharci, isla markaana xaqdhowro xuquuqda bani’aadamka, waxaanan caalamka u muujinay inaan nahay dal u qalma in dunidu aqoonsato oo caawiso.”

Balse, xasiloonida iyo nabadgelyada ka jirta dalkiisu weli ma helin abaalmarinteeda, isla markaana caalamku ku jeestaan meelaha dagaalada, waxaanu yidhi, “Badi waxuu caalamku eegaa meelaha dagaaladu ka socdaan. Cidna weli ma xiisaynayso dal xasiloon,” ayuu yidhi.

Mr. Biixi ayaa sheegay in Somaliland dhinacyo badan ka taageerto beesha caalamka, isla markaana aanay ka xumayn in wax lala qabto walaalahooda Soomaaliya, balse, dhinacoodana aan laga jeedsan, “Si weyn ayaan u soo dhoweynaynaa taageerada adduunku ka geysto xasilinta Soomaaliya, waxaanan aaminsan nahay inaan qeyb ka qaadan karno. Waxaan nahay jaar, luuqad wadaaga.”

Waxaan dhaqaalaha ugu badan ku bixinaa nabadgelyada gudaha iyo sidoo kale jaararka, “Waxaan odhan karaa Somaliland hadafkeeda koowaad waa xasiloonida, waxaan la dagaalanaa argagxisada, budhcad badeedka, waxaanan ku guulaysanay inaan ka illaalino baddaha Somaliland. Waxaan kala shaqeynaa beesha caalamka arrimaha la dagaalanka argagxisada, waxaan qabaa inaan guulo ka gaadhnay.”

“Waxaan ku bixinaa kala badh miisaaniyadda dhinaca amaanka, isla markaana ku foogan nahay inaan ka illaalino argagxisada inay gabood ka helaan dhulkayaga, iyo guud ahaan dalalka jaarka.”

“Waxa muhiim ah in adduunku ogaado inaan ku bixino wax badan amaanka, taasoo keliya aan khusayn Somaliland, balse jaarka, waxaan sidoo kale qabaa inaan illaalino amaanka waddooyinka Yurub.”

Wasiirka Arrimaha Dibedda Mr. Biixi ayaa sheegay in dalkiisu soo galeen shan doorasho oo dhamaantood lagu qiimeeyey inay u dhaceen si madax-banaan, isla markaana ku soo fool-leedahay doorashada madaxtooyada iyo baarlamaanka oo Midowga Yurub ka taageerayo.

“Waxaan filayaa in baddi beesha caalamku garowsadeen isla markaana qirayaan kaalinta Somaliland ka ciyaarayso marka laga hadlayo la dagaalanka argagxisada, budhcad badeedka, tahriibka iyo waxa ka xidhiidha.”

“Somaliland, fikirkayga, waa xubin muhiim u ah beesha caalamka. Waxaanan qabaa in aqoonsigu fursad noo siinayo inaan ka muuqano goobaha beesha caalamku ku faaqidayso xaaladaha khuseeya guud ahaan.”

Comments are closed