Xasan Sheekh Oo Addis Ababa Gaadhay, Kana Qaybgelaya Shir Madaxeedka Midowga Afrika
Addis Ababa:Jan,29,2015(SDN/QJ)-Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa saaka ka degay Magaalada Addis Ababa, iyagoo ka qaybgeli doono Shirmadaxeedka Dalalka midowga Afrika oo halkaas ka furmaya.
Maadaxweynaha oo wafdigiisa ay ku wehelinayaan mas’uuliyiin sare oo dowladda ka tirsan ayaa shirka Midowga Afrika ka sokow la filayaa inuu kulamo la qaato madaxda Afrika qaarkood, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, iyo diblomaasiyiin kale oo shirka ka qeybgalaya.
Shir madaxeedka Midowga Afrika ee dalka Ethiopia ka dhacaya ayaa la filayaa in lagu lafaguri doono arrimo badan oo qaaradda khuseeya Soomaaliya.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com