|

Dagaalyahannada Xisbillah Oo Qiratay Weerar Lagu Laayey Askar Reer Israa’iil ahayd

Beirut:Jan,29,2015(SDN/QJ)-Dagaalyahannada Reer Lubnaan ee Xisbullah, ayaa qirtay Weerar gantaal loo adeegsaday oo lagu laayey Tiro ladayda Goland higts ee u dhaxaysa Yuhuudda iyo Suria.

yuxoWar ka soo baxay Xisbullah ayaa lagu sheegay in weerarkaas ay ugu aar-gudayeen duqeyn ay Israel todobaad ku hor ku dishay askar ka tirsanaa ciidankooda iyo Jeneraal u dhashay Iiraan gudaha dalka Suuriya.

Afhayeen u hadlay Milateriga Israel ayaa xaqiijiyay in laba ka mid ah ciidamadooda ay ku dhinteen weerarkaas, halka todobo kale ay ku dhaawacmeen, markii kolonyo ciidamadooda oo marayay deegaankaasi uu ku habsaday Madfac lasoo ganay.

Israel ayaa durba ka jawaabtay weerarkaas, waxaana duqeymo ay ku qaaday baro ay ku sugan yihiin Ciidamada Xisbullah.

Madaafiicda ka imaneysay Israel ayaa ku dhacay meel ay saldhig ku lahaayeen Ciidamada Qaramada Midoobey ee ku sugan xuduuda Lubnaan, waxaana ku dhintay hal askari oo u dhashay dalka Spain.

Xiisada ka dhalatay weerarkii cirka ahaa ay Israel ku dishay dagaalyahano ka tirsan Xisbullah todobaadkii hore ayaa ahaa mid aad u taagnaa, waxaana dhowr jeer labada dhinac ay isku dhacyo ku dhex mareen goobo ku dhow xuduuda Israel iyo Lubnaan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed