Midabadda Shixnadda Hubka, Markabka Iyo Jawaabta Imaaraadka, Ildabista Xaqiiqda, Feejignaanta Mandaqada Iyo Mergashada Xukuumadda
Hargeysa, 27 Jan 2015 (SDN/QJ)- Markabka hubka kootarabaanka ah sida Shakir MV oo laga rogay badeecadihii kale ee ganacsi ayaa weli ku xidhan haabada Berbera, isla markaana xukuumadda Somaliland ayaan laga haynin war dambe oo la xidhiidha hubka markabkaa saaran iyo waxa ka soo baxay baadhitaankii ay xukuumaddu sheegtay inay ku hayso markabkaa iyo shixnada hubka ah ee saaran.
Sabtidii todobaadkan ayay ahayd markii wasiirka daakhiligu ku dhwaaqay, in markabkaa laga helay hub culus oo uu siday, isla markaana hubka uu sidaa aanuu ku jirin dekumentiga muujinaya alaabooyinka uu sido. Wasiirku wuxuu intaa ku daray oo uu magac dhabay qaybaha hubka uu sido, waxaanuu intaa ku daray inay baadhis ku wadaan kiiskaa, hase ahaatee ilaa hadda ma jiro war dambe oo ka soo yeedhay. Mar shalay iyo xalay wargeyska Ogaal khadka telefoonka kula xidhiidhay masuuliyiinta kala duwan ee arrimaha gudaha iyo amnigana noomay suura gelin inay naga qabtaan, qaarkoodna waxa xidhnaa telefoonadooda. Hase yeeshee warar laga soo xigtay dhinacyo kala duwan, ayaa tibaaxay in kabtankii markabka loo soo qaaday dhinaca Hargeysa , hadana waqti kadib dib loogu celiyay Berbera. Xogahaasi may kala cadayn in kabtanka iyo injineerada markabku xidhan yihiin iyo in kale, laakiin xogo kale ayaa tibaaxay inay u badan tahay in aan la xidhin oo ay banaanka joogaan.
Xogo uu Ogaal ka helay illo kala duwan oo ku sugan Berbera ayaa iyana sheegay, in shalay laga soo dhameeyay markabka rarkii ganacsi ee ganacsatada Somaliland u saaraa, kadib markii ay xanibnayd rogista badeecadaha saaraa laba maalmood. hase ahaatee illahaasi may kala cadayn in hubkii laga rogay iyo inuu saaranyay . Wararkii horaantii soo duulay ayaa sheegayay, in hubkan loo waday carwo dhinaca hubka ah oo Imaaraadka lagu daah furo, balse xogo ka soo duulay illo ku sugan UAE, ayaa tibaaxay in aanay jirin carwo bandhiga hubka ah oo ka dhacaysa halkaasi, isla markaana uu imaaraadka gaadhay warka hubkani, dhinacoodana laga soo weriyay in aanay shaqo ku lahayn, isla markaana ay u muuqato inay isha ku hayaan siday wax u socdaan. Sidoo kale dalalka mandaqada ayaan ka werwer la,ayn hubkaa sharcidarada ay xukuumadu ku sheegtay ee markabkaa saran, isla markaana isha ku haya halka uu ku dambeeyo.
Hubka markabkan saaran oo khatar ku ah mandaqadan xaasaasiga ah, ayaan ilaa hadda la sheegin cidda leh iyo meesha uu ka yimi toona. Dhanka warar is khilaafsan oo runtoodu weli laalantay, ayaa u sibirsaaraya sheekada hubkaa mid aan ka baxasanayn dhulka soomaalida. Duulduulka xogahaa kala duwan ee dhinaca Berbera qaarkood ayaa ishaaray in astaamo muuqdaan, xaalada markabkana ku tilmaamay mid tegis isu diyaarinaya, laakiin xogihii u dambeeyay xalay waxay sheegeen inuu weli ku xidhan yahay haabadda, sidaa darteed, ma cadda xaqiiqada xogahaa kala duwani.
Dhinaca Magaalada muqdisho iyo dawladda soomaaliya oo ka mid ah meelaha tuhunku saaran yahay, ayaa warar aanu ka helay weriyayaal kala duwan oo halkaa joogaa, ay tibaaxeen in aanay ka muuqan halkaa astaan muujinaysa in hubkaasi u socday Muqdisho, balse waxay xogahaasi calaamatul su,aal geliyeen gobolada dhexe ee soomaaliya.
Xigasho Wargayska Ogaal