Sirdoonka Switzerland Oo War Kasoo Saaray Ninkii Dhawaan Isku Qarxiyey Hutel SYL
Geneva:Jan,28,2015(SDN/QJ)-Kadib markii dhawaan Nin soomaaliyeed oo isku qarxiyey Hutel SYL ee Magaalada Muqdisho la sheegay inuu kasoo noqday dalka Switzerland, ayaa waxa arrintaas ka Hadlay Sirdoonka Dalkaas oo xaqiijiyey inuu ninkaasi dalkooda kasoo guryo noqday.
Afhayeen u hadlay hayada sirdoonka Switzerland ayaa sheegay in ruuxaasi oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya uu tagay dalkaasi sanadkii 2008, halkaasi oo uu ku noolaa muddo badan.
Afhayeenka ayaa sheegay in muddo badan ay baadhitaano ku hayeen ruuxaasi isku qarxiyay hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ku noolaa dalkaasi waxaana ay sheegeen inay arintaasi xaqiijinayaan.
Carolina Bohren oo ah afhayeenka u hadashay Switzerland ayaa sheegtay in ruuxaasi isku qarxiyay magaalada Muqdisho uu helay deganaansho dalkaasi ah laakiin aanu aheyn ruux helay dhalashada dalkaasi Switzerland.
Weerarka uu ruuxaasi ku dhintay ayaa dhacay maalin khamiis ah 22 kii bishan, xili saraakiil Turki ah ay ku sugnaayeen hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, waxaana sheegtay Alshabaab.
Afhayeenka ayaan faahfaahin rasmi ah ka bixinin ruuxaasi iyo qaabka uu kaga soo tagay dalkaasi Switzerland iyo magaca rasmiga ah ee loo yaqaanay shaqsiga isku qarxiyay magaalada Muqdisho.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
Â