|

Khilaaf Ka Dhex Aloosmay Baarlamaanka Iyo Duqa Muqdisho Iyo Hanti-dhawraha Oo La Faray Inuu Baadho Xafiisyada Duqa

Muqdisho:Jan,28,2015(SDN/QJ)-Khilaaf xooggan ayaa soo kala dhexgalay xubno baarlamaanka  kamid ah iyo Duqa caasimadda Muqdisho mudane Muungaab, waxana soo baxaya farriimo Hantidhawraha guud loogu sheegayo inuu Baahitaano ku sameeyo xafiisyada duqa caasimadda.

geeboXildhibaanad Duniyo Maxamed Cali oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa soo jeedisay in la baadho Xafiiska Duqa Magaalada Muqdisho, oo ay ku eedeysay masuq maasuq.

Waxay soo hadalqaaday in dagaaladii sokeeye ee dalka halakeeyay ay ka dhasheen in la kala qabsado hanti ma guurto ah, isla-markaana uu Muungaab is hortaag ku sameeyay amar ka soo baxay Maxkamadda, oo dad laga heystay hanti ma guurto ah/guri, ay Maxkamaddu xukmisay in dib loogu celiyo.

Waxay ku eedeysay in ku takri fal awadeed uu ka sameeyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, xilli ay ku dhaliishay inuu sameystay Guddi uu ugu magac-daray (Guddiga Xalinta Khilaafaadka), oo is hortaag ku sameeya go’aanada Maxkamadaha.

Sidoo kale waxay Muungaab ku eedeysay inuu burburin kula kacay guryo ay leeyihiin dad shacab ah, waxayna soo hadalqaaday wixii Yahuuda ay kula kacday dadka reer Falastiin, inay ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Marwo Duniyo, ayaa Hanti Dhowraha Guud Qaranka ka codsatay in daba-gal uu ku sameeyo Xafiiska Duqa Magaalada Muqdisho, isla-markaana uu Baarlamaanka uga keeno cadeymo muujinaaya masuq maasuqa, ay ku eedeysay Xasan Maxamed Xuseen.

Hadalka ka soo yeedhay Marwada ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, ayaa wuxuu liddi ku noqonayaa balanqaadyadii Muungaab, ee uu hore ugu sheegay in dadka guryaha looga heysto Magaalada Muqdisho, uu Maamulkiisu dib ugu celinaayo.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed