Akhri Magacyada Iyo Beelaha ay Kasoo Kala Jeedaan Golaha Wasiirrada Cusub Oo Dhammaantood ah Kuwo Ka Madax Bannaan Murankii Soo Jiitamayey
Muqdisho:Jan,28,2015(SDN/QJ)-Ra’isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa jiitan badan habeenkii xalay Oodda ka qaaday Gole Wasiirro ah oo kooban, kaas noqday mid ku cusub indhaha iyo dhegaha Bulshada oo kasoo daashay wasiirro marar badan soo noqnoqday.
Ra’isal wasaare sharma’arke, ayaa xubnihiisa wasiirrada kusoo koobay labaatan wasiir, waxana uu dhimay tiradii badnayd ee hore looga caban jirey, waxana uu sidoo kale kasoo tegay dhammaan wasiirradii loo aanaynayey Khilaafkii ragaadiyey dawladihii kala dambeeyey ee dalka soo maray oo si gaar ah xidhiidh hoose ula lahaa Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaarayaasha.
Halkan maanta waxanu idiinku haynaa Magacyada iyo Beelaha ay kasoo kala jeedaan 20-Wasiir ee xalay Ra’isal wasaaruhu ku dhawaaqay, waana sidane ka bogo:
1. Maxamed Cumar Carte Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen ahna Wasiirka Shaqada, Dhalinyarada & Sportiga ,waa Isaaq ,Habar Awal,Sacad Muuse ,Nuux Ismaaciil,Reer Gadiid.
2. Axmed Xasan Gaboobe Wasaaradda Cadaaladda & Arrimaha Diinta ,Waa Dir,Biyo Maal,Gaadsan.
3. Cabdiraxman Maxamed Xuseen Odowaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalka: Waa Hawiye,Habargidir,Saleebaan.
4. Maxamed Aadan Ibraahim “Fargeti” Wasaaradda Maaliyadda ,Waa Raxanweyn,DISOOW.
5. Cabdulqaadir Sh. Cali Diini Wasaaradda Gaashaandhigga , Waa Daarood,Mareexaan, Waa Taliyahii hore ee Ciidanka xooga dalka Somalia.
6. Cabdisalaan Hadliye Cumar Wasaaradda Arrimaha Dibadda , Waa Dir ,Gadabuursi, Makaahiil.
7. Khadra Bashiir Cali Wasaaradda Waxbarashada ,Waa Daarood,Leelkase.
8. Fahad Yaasiin Xaji Dahir Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda ,Hawiye,Reer Aw Xasan, Reer Aw Mahdi,
9. Cabdiraxman Yusuf Cali Caynte Wasaaradda Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga , Waa Hawiye,Murusade.
10. Nuur Faarax Xirsi Wasaaradda Dastuurka ,Waa Isaaq ,Habaryoonis,wuxuu ahaa Safiirka Malaysia u fadhiya,wuxuu horey u ahaa Gudoomiyaha Urur siyaasadeedkii Gurmad ee Somaliland.
11. Guuled Xuseen Qaasim Wasaaradda Warfaafinta & Isgaarsiinta ,Waa Daarood ,Ogaadeen,Maxamed Subeer,Reer Isaaq.
12. Cali Axmed Jaamac “Jangali” Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada , Waa Daarood,Dhulbahante.
13. Siciid Xuseen Ciid Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa ,Waa Meheeri,Carab Saalax.
14. Cali Xasan Cusmaan Wasaaradda Beeraha ,Waa Raxanweyn,
15. Xasan Axmed Muudeey Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha,Waa Jareerweyne,Shiidle,
16. Saalax Sh. Cusmaan Muuse Wasaaradda Howlaha Guud & Dib-U-Dhiska ,Waa Digil,Gelledi.
17. Sahra Maxamed Cali Samatar Wasaaradda Haweenka & Hormarinta Xuquuqda Aadanaha , Waa Tumaal.
18. Maxamed Mukhtaar Ibrahim Wasaaradda Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda ,Waa Hawiye, Gaaljecel.
19. Cabdirisaaq Cumar Maxamed Wasaaradda Batroolka, Biyaha & Kheyraadka Dabiiciga , Waa Hawiye ,Xawaadle.
20. Xaawo Xasan Maxamed Wasaaradda Caafimaadka, Waa Raxanweyn,Hadamo.
SDN/QJ