Daladii Dhallinyarada Sonyo oo Lagu Wareejiyay Garab Muran ka Taagnaa Sharciyadiisa iyo Dhinicii Kale oo Nidar adag Maray
Hargaysa 27.Jan 2015 (SDN/QJ)- Khilaafka labada garab u kala jabiyay dalada dhalinyarada Somaliland ee SONYO ayaa cirka isku sii shareeray kadib markii wasiirka ciyaarahu uu ku dhawaaqay in garab ka mid ah xilka daladaas lagu wareejinaayo.
Garabka aqlabiyada ururadu ay ku doorteen madashii shirka ee hotel AMBASADOR ayaa ku dhawaaqay in ay la wareegi doonaan xarunta daladaas, isla markaasna xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu baaqay inay xal u raadiyaan khilaafka dalada labada garab u kala jabiyay.
Sida oo kale waxay ay dhalinyarada Somaliland ugu baaqeen in ay u istaagaan sidii ay u badbaadin lahayaeen dalada dhalinyarada Soamliland SONYO.
Muuna Cabdi Xuseen oo ka tirsan ururada dhalinyarada ee gobalka Togdheer oo ugu horayntii halkaas ka hadashay ayaa dhibaatada daladaas dusha ka saartay guddoomiyhii hore ee dalada Mubaarig Taani oo koox aan aqlabiyada dalada haysan garabka saaray, waxaana iyada oo arimhaas ka hadlaysay ay tidhi“Shirkan ugu danbeeyay ee SONYO waxa uu ahaa kii ugu ayaanka darnaa, oo guddoomihii hore Mubaarig Taani waxaanu doonaynay inuu xilka ku wareejiyo labada musharax ee sharaxnaa ka guulaysta,runtii markii Mubaarig Taani uu arkay in kooxdii uu watay laga cod badan yahay ayuu ka baxay shirkii oo uu raacay wasiirka dhalinayrada iyo ciyaaraha, taasi waxay cawaaqib xumo ku noqotay130 ergay oo ka kala yimi Somaliland oo dhan, taas oo sababtay kala jabka, waxaanu halkan ka cadaynaynaa in arinkaas wax laga qabto, hadii waxba laga qaban waayana xarunta meel aan ahayn tagi mayano.”
Sida oo kale dhalinayro matalaysay ururada gobalada Sool,Sanaag iyo Maroodi Jeex ayaa iyaguna xukuumadda ugu baaqay inay u istaagto badbaadinta dalada SONYO iyaga oo halkaas ka cadeeyay taageerada ay u hayaan Cabdicasiis Xirsi Warsame.
Guddoomiyaha Garabkan ku doodaya in Xukuumadu ka Hiilisay Mr Cabdicasiis Xirsi Warsame oo halkaas ka hadlay ayaa isaguna warbaahinta u soo bandhigay cadaymaha ururada gobalada dalku ay ku taageereen doorashadiisa, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa“Anaga oo aqlabiyadii haysana ayay ka soo yaaceen meel ayayna wax ku madaw sadeen(garabka kale) ilaa hadana sidii ayay meel wax ugu madawsanayaan, inanka ka socda ururada Boorama ee Siyaad hal gar ayuu leeyahay oo isagu hadii aanu cod ku filan haysan nin bisil oo hanaynkarana aanu ahayn inuu ka soo cararo shirka waa loogu garaabayaa, waxa is waydiin ah Mubaarig Taani labadii qof ee tartamaayay maxuu mid ula soo baxsaday ileen u dhex ayuu ahaaye, waxa jiray mada madaw badan oo ku jira nidaam xisaabeedka dalada labadii sano ee uu maamulaayay, xisaabaad u gaar ah oo aan sharci ahayn ayuu samaystay, ka hadhi mayno oo sharciga ayaa la hor keeni doonaa, xafiiskana odhad ayaanu galin doonaa, wasiirkana waxa dhex martay wada shaqayn intii dhismaa SONYO lagu jiray markaas isagana waxa inagaga filan in isna uu arintaas kula jiro.”
Cabdicasiis Xirsi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Intii waan waanta lagu jiray cid kasta oo waan waan ula tagta waa ay ka diideen, anagana hal ku dhigayagu waxa uu ahaa badbaadi SONYO, waxaanu u soo gaadhnay hadaad aqlabiyad haysateen shirweynii mar labaad aynu ku celino oo umaduna ha joogto oo waa ay ka baxsadeen, waxaanu wasaarada qorshaynta oo arintani ay qusayso aanu u gudbinay cadaymaha ururada qalabiyada ee dhinacayagan taageersan markuu eegayna waxa uu soo saaray waraqad uu leeyahay arintaas waxaan marinayaa nidaamka iyo sharciga , markaas nidaankii iyo sharcigii ayaa laga yaacayaa oo xafladaha loo qabanayaa.”
Waxa xusid mudan in dalada dhalinyarada Somaliland ee SONYO ay haatan u kala fadhido laba garab, isla markaasna guddoomiyahii hore ee dalada Mubaarik Taani uu xilkii ku wareejiyay garab labada dhinac ka mid ah oo uu isagu taageersanaa.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com