|

Shabaabka Oo Lagu Eedeeyey Inay Afduub u Geysteen Dad Masaakiin ah Oo Ku Dhaqan Gobolka Baay

Baardheere:Jan,27,2015(SDN/QJ)-Masuuliyiinta Deegaanka Goofgaduud ee Gobolka Bay, ayaa kooxda Al-shabaab ku eedeeyey inay afduub laxaad leh ka geysteen dad rayid ahaa oo ku dhaqnaa Deegaanadaas.

deergDadka ay Shabaab afduubteen ayaa waxaa la sheegay inay ka doonayaan lacag madaxfurasho ah, waxaana dadka badankooda ay yihiin xoolo dhaqato iyo beeraley.

Guddoomiyaha Goofgaduud Axmed Maxamed Aadan, ayaa u sheegay Warbaahinta in dadka ugu badan Shabaab ay ka afduubteen deegaano hoostagga Goofgaduud, isaga oo tiro ahaan dadkaasi ku qiyaasay in ka badan 40-ruux oo shacab ah.

Wuxuu sheegay in Shabaab dadka ay ku amreen inuu bixiyo qofkiiba 10-Milyan oo Shilinka Soomaaliga ah, cidii bixisana lasii deynaayo, balse qofkii aanan bixin lacagtaasi uusan heli doonin xorriyadiisa.

Axmed Maxamed Aadan, Guddoomiyaha deegaanka Goofgaduud ayaa sidoo kale tilmaamay in dadka ay yihiin masaakiin aanan waxba haysan, aysana awoodin lacagahaasi faraha badan ee Shabaab ay ku amreen inay bixiyaan.

Majirto ilo ka madaxbanaan maamulka Deegaanka Goofgaduud ee Gobolka Baay oo xaqiijinaya in Shabaab ay afduubteen ku dhawaad 40-ruux oo Shacab ah, ayna u haystaan inay ka qaataan lacago madax furasho ah.

Xoogaga Shabaab ayaa dadka ku nool Degmooyinka ay maamulaan waxa ay ka qaadaan waxa ay ugu yeedhaan sakawaad, iyadoo ay uruuriyaan xoolo nool iyo lacag hadba wixii qofka laga qaadi karo.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed