|

Maraykanka Oo Gacanta Ku Dhigay Basaasiin u Dhalatay Dalka Ruushka

Washington:Jan,27,2015(SDN/QJ)-Saddex Nin oo u dhalatay dalka Ruushka oo la sheegay inay basaasiin ahaayeen, ayaa lagu qabtay Gudaha Dalka Marayakanka.

isr Ragaasi oo iskudayay in ay aruuriyaan macluumaad ku saabsan dhaqaalaha dalkaasi iyo in ay shaqaalaysiistaan ilo ay macluumaadka ka helaan, isla-markaana ay helaan Xogo sugan oo dalka maraykanka laga soo Gudbiyo.

Mid kamid ah ragaasi oo lagu magacaabo Evgeny Buryakov, ayaa ka soo muuqday maxkamad ku taala magaalada New York, waxaana lagu dacweeyay in uu wakiil u ahaa dawlad ajnabi ah isaga oo aan wargilinin dawladda Maraykanka.

Waxaa lagu eedeeyay in uu macluumaad ka aruurinayay cunaqataynada uu Maraykanku saaray bangiyada Ruushka.

Dalka Ruushka ayaan wali wax war ah kasoo saarin sheegashada Maraykanka, waxase inta badan dhacda in labadan waddan ay qabqabtaan Shakhsiyaad lagu tuhmo basaasnimo.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed