|

Tirada Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhalatay Diyaarad Militeri Oo Ku Burburtay Gudaha Dalka Spain

Madrid:Jan,27,2015(SDN/QJ)-Diyaarad Militeri ayaa ku burburtay Garoon ku yaalla Gudaha Dalka Spain, waxana ka dhashay Dhimasho ilaa iyo 10-ruux, iyadoo ay xaruntaas burburku ka dhacayna ay lahaayeen Gaashaanbuurta Nato.

mardSaraakiil milateri ayaa sheegay in diyaarad laga leeyahay wadanka Giriigga oo nooceedu ahaa F-16 ay ku dul burburtay dhowr diyaaradood dagaal oo ku sugnaa Garoonka Ciidamada Cirka ee Los Llanos ee magaalada Albacete badhtamaha dalka Spain.

Goobta ay burburtay diyaarada ayaa laga arkayay qiiq, uuro iyo olol ka baxayay, waxaana qarxay diyaarado dhowr oo ah kuwa dagaalka oo ku sugnaa garoonka milateri

Mid ka mid ah duuliyeyaasha ayaa la sheegay inuu sameeyay dhaq dhaqaaq qaldan, xilli ay diyaarada kaceysay, waxaana ku dhintay labadii duuliye ee diyaarada kaxeynayay.

Ilaa 13 ruux ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen shilkaas, iyadoo lix ka mid ah dhaawacooda uu aad u culus yahay

Sagaal ka mid ah dadka dhaawcamay ayaa dhalashadooda ka soo jeeda dalka Talyaaniga, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan wasaarada Difaaca Spain, iyadoo tirada kale aan si rasmi loo ogeyn dalalka ay u dhasheen.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dadkii ku dhintay bur burka diyaarada ay ka soo jeedaan dalalka isbaheysiga ku ah NATO, waxaana la sheegayaa inay ka soo kala jeedaan dalalka US, Denmark, France, Germany, Italy, Belgium iyo Britain, kuwaasoo xarun u ahaa garoonka milateri.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed