Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Soo Jeediyey In Lasoo Dhiso Dawlad Ku-meel-gaadh ah Oo Dalka Doorashooyin Ka Hirgelin karta
London:Jan,27,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee Ucid Eng. Faysla Cali Waraabe, ayaa ku adkaystay in Doorashooyinka Madaxtinimo ee dhawaan dalka kusoo foolka lihi yihiin qaar aan qabsoomi Karin oo dib u dhacaya.
Guddoomiye Faysal oo u warramayey Warbaahinta qaar kamid ah, ayaa soo jeediyey in Marka la gaadho dhammaadka xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo la sameeyo Dawlad wadaag ah oo dalka ka hirgelisa Doorashooyin lagu soo doorto ciddii hoggaanka dalka qaban lahayd, isagoo ku adkaystay in inta lagu jiro sanadkan haatan bilaabmay aanay wax doorasho ahi dalka ka hirgeli Karin,
“Doorashada ugu horraysaa 2016-ka ayey dhacaysaa, imika dadbaa jira aad mooddo in la yidhi Doorashaad Cod ka helaysaan oo ka xanaaqaya dib bay u dhacaysaa, aniguna xal baan keenay ah waar bahashaa wakhti halloo sameeyo oo Guddida Doorashooyinku ha galaan oo cid kale yaanay gelin, wakhtiga Komishanku cayimo xilliga uu doorasho qaban karo, markay 26-ka juune la gaadho Dawlad Wadaag ah halla sameeyo.” Ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wata, ayaa xusay in haatan Baarlamaanka iyo Guurtiduba yihiin qaar muddo dhaafay, haddii xukuumaddu noqoto mid muddo dhaaftayna uu dalka oo dhami noqon doono Sharci darro iyo wax aan muhiim ahayn, waxana uu carrabka ku adkeeyey shaqada ay qaban doonto Dawladda kumeelgaadhka ah ee uu soo jeediyey in la sameeyo, waxana uu yidhi,
“Baarlamaanka iyo Guurtiduba waa muddo Dhaaf markaa Haddii xukuumadduna Muddo dhaaf noqoto iyo wax xilligeedii dhacay noqoto in saddexdii waaxood ee Dalka ugu waaweynaa ay muddo dhaaf noqdaan waxaynu noqonaynaa sharcidarro, si aynu taas ugu baxsanana waa in Dawlad wadaag ah oo arrimaha Dibadda iyo doorashoyinka oo aan xisbi ahayn la sameeyaa.”
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo haatan aan kamid ahayn Ragga guclaha ugu jira Hoggaanka dalka, ayaa khafiifiyey xawaarihiisii mucaaridnimo ee uu caanka ku ahaa xilliyadii uu madaxweynenimada u sharraxnaa, waxana taasi keentay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo aanay dhegaheeda kusoo dhicin weedho ku kallifi kara inay u holloto arrimaha Doorashooyinka.
SDN/QJ