Miinooyinka Somaliland ku Xabaalan,Deegaanada ay u badan yihiin,iyo maqnaanshaha masuuliyiintii u xilsaarnaa
Hargaysa 27.Jan 2015 (SDN/QJ)- Deegaano masaafadoodu gaadhayso boqolaal kilometer ayaa la sheegay inay weli halista miinooyinka iyo walxaha-qarxa ka jirto, inkastoo aan la magacaabin meelaha ay yihiin.
Warbixin sannadlaha ee hay’adda miino-saarka HALO Trust soo saartay ayaa lagu sheegay inay burburiyeen muddadii ay hawsha miino-saarka ka wadeen goboladda Somaliland tiro gaadhaysa 250,000 walxaha-qarxa, isla markaana ka saareen miinooyinka dhul gaadhaya ilaa 3,360 oo hiigtar.
Warbixintan ayaa lagu sheegay in dhul gaadhaya 45,320 oo hore miinooyin ugu jiri jireen xilligan fursad u heleen bulshadu inay ku laabtaan, balse weli halista waxyeelada miinooyinka iyo walxaha-qarxa ka jirto dalka.
Waxa jira 208 goobo halis ah, oo masaafo gaadhaysa 2,475 hiigtar miinooyin ku jiraan, halka dhul kaloo gaadhaya 3,700 hiigtar ku jiraan walxaha-qarxa.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in beerahan miinooyinku ku badan yihiin wadooyinka iyo dhulka daaqsimaha, laakiin hay’adda HALO u qorshaysan tahay in dhamaan deegaamada halista miinooyinka iyo walxaha-qarxa ka jiraan laga saaro dhamaadka sannadka 2017.
Dhinaca kale, masuuliyiinta iyo hay’adii qaranka u xilsaaran miino-saarka ee NDC ayaan weli macluumaad joogto ah iyo digniino ku waajahan shacabka ka bixin, sidii laysaga ilaalin lahaayeen halista miinooyinka iyo walxaha-qarxa, marka laga yimaado maalinta la xuso aduunka halista miinooyinka oo hadal ka jeediyaan mooyee.
Sidoo kale, dhimashada iyo dhaawacyada qaraxyada miinooyin ka soo gaadha bulshada magaalooyinka dhexdooda iyo goobo hore looga baadhay ayaa marnaba la arkin hay’adaha xukuumada u qaabilsan oo baadhitaano ka sameeyey, isla markaana soo saaray natiijo la xidhiidha.
Mar aan isku deynay madaxa hay’adda Miino-baadhista Somaliland NDA inaan wax la weydiino arrimahan ayuu ka cudur-daartay inaanu waxba kaga sheegi Karin telefoonka, bals ewaxii tafaasiil ah uu xafiiskiisa ku bixinayo, inkastoo loo sheegay in warka manta la soo qorayo.