Shaki ka dhashay Amuusnaanta Gollaha degaanka Hargeysa ee ku wejahan dhul boobkii Shacabku ka hortagay ee Ciidanka
Hargeysa Jan 26,20159SDN/QJ)-Shacabka caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa maalmihii ina dhaafay isweydiinayay halka ay mareen Gollihii Degaanka ee ay u doorteen in ay danahooda ku metelaan.
Gollaha degaanka Hargeysa Ayaan ilaa iyo intii ay bilaabatay xiisad ka dhalatay isku daygii dhul boob ee ciidamada dawladu ku damceen dhul dan guud ah oo ku yaal xaafada Masalaha.
Shicibka qaar ayaa qaba in Duqa magaalada iyo ku-xigeenkiisu ay dhici kareyso in ay ka mid yihiin ashqaas si hoose ula socotay damaca guracan ee ciidamada.
Si kastaba ha ahaatee waxa haatan shicibka iyo saxaafada Somalilandba ay ku baaraarugeen habacsanaanta iyo musuqa Gollahii degaan ee ay doorteen.
Waxaana tooshku dul yaalaa haatan fadeexado dhul boob iyo habacsanaan u badan oo dul hoganaya Gollaha degaanka Hargeysa khaasatan Duqa magaalada iyo ku-xigeenkiisa.
Dhawaana filo taxaneyaal aanu arinkan Bulshada uGu soo bandhigi doono hadii eebe idmo.
SDN/QJ-Hargeysa