|

Qurbejooga Hargeysa oo Canbaareeyay damaca ciidamada ee Dhulka Masalaha iyo isku duubnida shacabka ka soo horjeestay

London Jan 26, 2015(SDN/QJ)-Jaaliyada reer Somaliland ee qurbaha, khaasatan Beelaha Bartamaha,Bariga iyo Konfurta Hargeysa ayaa baaq ay soo saareen waxa ay uga hadleen dhacdadii ciidamada Somaliland ay isugu dayeen in ay ku boobaan dhul kuyaal xaafada Masalaha ee magaalada Hargeysa, Baaqa oo ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Beesha ayaa sidaan u dhignaa:
Ka:Muwaadiniinta reer Somaliland ee u ku dhaqan qurbaha,garahaan beesha badhtamaha bariga iyo koonfurta Hargaysa(Daa,uud Ismaaciil) (Ciidagale)
 Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland.
Ku: Axsaabta Qaranka Somaliland.
Ku: Cidkasta oo daneenaysa nabada Iyo Horumarka Somaliland.
Ku:Golayaasha qaranka.
Og: Wasaarada Arrimaha Gudaha.
Taariikh: 24/1/2015

 

Cambaarayn

Annaga oo ah muwaadiniinta reer Somaliland ee ku dhaqan qurbaha kana soo jeeda Caasimada Hargaysa gaarahaan beesha Daa,uud Ismacil (Ciidagale)

Waxaanu si adag uga soo hor jeedna una cambaaraynayna sida maldahan ee milgaha ciidanka qaranka Somaliland foolxumada u keenaysa ee taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Ismaaciil Shaqale u adeegasaday garoomada kubadda ee masalaha koonfurta Casimada Somaliland ee Hargaysa  isaga oo ku fashilmay xilka madaxwaynaha jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamud u magacaabay taliyaha oo ka leexiyey wixii loo igmay ciidanka kuna tuntay maamuuskii ciidanka qaranka ee ahaa in uu dalka difaaciisa ku koobnaado una baydhay habdhaqan aanay shacabka reer Somaliland ka aqbalayn oo ah dhulboob,mana habboona in uu xilka sii hayo si ciidanku ceeb uga dhawrsoonaado.

 

Garoomada waxaa isticmaala dhallinyarada reer Somaliland si ay isu ogaadaan in ay dalka wax ku leeyihiin ugana badbaadaan tahriibta ama inay ka haajiraan dhulkoodii hooyo.

 

Dawlada waxaa la gudboon ilaalinta danta guud iyo mida gaarka ah waxaanu ugu baaqayanaa in ay arrinta oo keeni karta iska hor imaad shacabka iyo ciidanka qaranka ugu dhaartay in ay nabadgelyadooda ilaaliyaan ee amarka gurracan uu taliyaha ciidanka qaranku siiyey sida ugu dhakhsaha badan wax uga qabato inta aanay nabaddu faraha ka bixin,waana nasiib darro ciidanka ee laga doonaayey in ay nabadda ilaalilaan ay colaad dalka ka dhex hurriyaan.

 

Hambalyo iyo taageero

Waxaanu hambalyo iyo taageero buuxda la garab taagannay beesha badhtamaha bariga iyo koonfurta Hargaysa(Daa,uud Ismaaciil) (Ciidagale) oo aan u kala hadhin in ay arrintan foosha xun shacabka reer Somaliland u soo bandhigaan iyaga oo u wada dhan sida culimada,gudida horumarinta beesha,cuqaasha,saalaadiinta oo uu hormood u yahay Suldaanka guud ee beelaha reer Somaliland suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir iyo bulshadaas qaybaheeda kala duwan,beesha oo ku caan baxaday ama lagu yaqaan ilaalinta nabada iyo in aanay u dul qaadan wixii nabada wax yeelaya.

Jaaliyada Reer UK ee Beesha. Dhamaan Xubnahan Hoos ku xusan Oo ka Wakiil ah Qurbajooga  Reer UK Ee Beesha.

  1. Deeq Cabdi Digale========= Guddoomiye.
  2. Mustafe Cabdulahi Ismacil==Guddoomiye ku xigeen.
  3. Mahad Cabdi Xaji Good====Xoghaye.
  4. Cabdi Cabdulahi Mooge====xubin.
  5. Maxamed Cabdi Omaar====xubin.
  6. Cabdulqadir Cali Baraar====xubin.
  7. Adan Farax Geedi=========Xubin.
  8. Fuaad Cisman Muxumed==xubin.
  9. Cabddulahi Xasan Maxamed=xubin.
Garabka haweenka.
  1. Amina Xaashi Guuleed=====Guddoomiye garabka haweenka.
  2. Sahra Ismacil Xasan====== Khasnajiyad.
  3. Hodan Sulda Rashiid======xubin.
  4. Fosiya Cisman Cawaale===xubin.
  5. Ifrax Maxamed Baaruud====xubin.
  6. Fardawsa Adan Koodbuur==xubin.
  7. Nuura ciise omaar ======xubin
Guddida marjaca ama musdambeedka.
  1. Adan Mooge Xirsi (Adan ingiriis)
  2. Maxamed  Xasan Jafal.
  3. Maxamed Yusuf Diirqadhaadh.
  4. Xasan Macalin.
  5. Abokor M.Shukri.
  6. Sheekh Ibrahim.
  7. Ismacil A.Xaawa.
Qaybaha kala duwan ee jalliyada deggen dalka Ingiriiska Dhammaan.
Wa billaahi tawfiiq
Guddoomiyaha jaalliyada beesha badhtamaha,
bariga iyo koonfurta Hargaysa ee deggen UK.
Isla markaasna ah guddoomiye ku xigeennka ururka Gaaroodi.

Deeq Cabdi Digale

 SDN/QJ-London
contact@qurbejoog.com

Comments are closed