|

Hoggaamiyayaasha Dalalka Maraykanka Iyo Hindiya Oo Heshiisyo Cusub Kala Saxeexday

New Delhi:Jan,26,2015(SDN/QJ)-Dalalka Maraykanka iyo India, ayaa la shaaciyey inay wada saxeexdeen Heshiis muhiim ah oo ku saabsan xagga Awoodda Nuclear-ka oo in muddo ah uu muran ka taagnaa.

narerMadaxweyne Obama iyo Ra’isal wasaare Narendra Modi ayaa Heshiiskan ku kala saxeexdan Dalka India, waxana tallaabadan lagu tilmaamay mid Horumar ah oo labada dal ka gaadheen is afgaranwaa hore u dhexyaallay.

Madaxweyne Obama ayaa hadda u sugan magaalada New Delhi, waana madaxweynihii ugu horeeyey abid ee ka qeyb gala maalinta qaranimada ee dalkaas.

Maraykanka ayaa India heshiis la saxeexday sanadkii 2008dii, kaas oo India u ogolaanayaa teknolojiga nuclearka aan hubka ahayn. Hase yeeshee, dhaqan galintii ayaa waxa hakiyey sharci India ay leedahay oo sheegaya in shirkadaha sameynaya mashruucyadan, isla markaana keenaya qalabka ay mas’uul ka noqdaan wixii dhaca, haddii shil yimaaddo.

Labada dhinac ayaa Axaddii shalay ku heshiiyey inay la sameeyo lacag ceymis ah oo malaayiin dollar ah, taas oo aan India ku qasbeynin inay sharcigeeda beddesho.

Faahfaahinta lacagtan ayaanan wali caddeyn. Hase yeeshee, madaxweyne Obama ayaa heshiiskan Axaddii shalay la gaadhay ku sheegay talaabo mihiim ah oo muujinaysa in labada dhinac ay wada shaqeyn karaan si ay xidhiidhkooda ay u wanaajiyaan.

Shirkadaha Maraykanka oo iyaga  loo ogolaaday inay ka shaqeeyaan Awoodda arrimaha Awoodda Nuclear-ka oo ah midda Energy-ga laga dhaliyo, ayaa walaac ka muujiyey Sharci dalkaas u yaalla oo sheegaya in shirkaduhu ay qaadayaan Masuuliyadda wixii ka yimaadda Nuclear-kaas, taasna waxana la isla gartay in dhawaan xal laga gaadhi doono.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed