Ballanqaadyo Yididiilo Geliyey Shacabka Soomaaliyeed Oo Madaxweyne Erdogan Kaga Dhawaaqay Muqdisho
Muqdisho:Jan,26,2015(SDN/QJ)-Quluubta iyo indhaha dadka Soomaalidu waxa ay si weyn diiradda u saarayeen Booqashada Madaxweynaha Turkiga ee Muqdisho iyo waxyaabaha uu halkaas ka Ballan qaadi doono, waxana haatan ay heleen Jawaabo soo jiidatay oo ayku qanceen.
Jawaabta ballan-qaadka ah ee madaxweyne Erdogan bixiyey, ayaa noqotay mid niyadsami badan ku abuurtay shacabka soomaaliyeed, taas oo noqotay inuu wax badan la qaban doono shacabka xagga nolosha iyo dhinaca siyaasadda iyo dhismaha xukuumadda Soomaalida.
Ballanqaadyada afka Madaxweynaha kasoo yeedhay ayaa waxa ugu waaweyn in Dawladdiisu Muqdisho ka dhisi doonto safaaradii ugu weynayd ee Caalamka ay Dowladiisa ku yeelato, iyadoo la raacin doono ugu yaraan Toban kun oo Guri oo loogu talo galay dadka danyarta ah oo iyagu haatan aan hoy lahayn.
“Waxaan Muqdisho ka dhisaynaa Safaaradda ugu weyn Caalamka, si aan u xoojino Xidhiidhka Walaaltinimo ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale u dhisi doonaa Shacabka Muqdisho 10,000 (Toban Kun) oo Guri,” ayuu yidhi Erdogan.
Wuxuu kaloo sheegay in uu aad usoo dhaweynayo Horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay tan iyo markii ugu danbaysay ee uu Muqdisho yimid 2011, isagoo carabka ku dhuftay in Caqabado badan oo xilligaasi jiray Maanta laga gudbay.
“Waxaan taaganahay marwalba Garabkiina, aad baan ugu faraxsanahay inaan markii 2-aad soo booqdo Muqdisho, si aad Midnimadeena adiinku muujino,” ayuu yidhi Erdogan.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si aad ah ugu mahadceliyay Dowladda Turkiga & Shacabkeeda Taageerada Muuqata & sida ay u garab istaageen Soomaaliya xilli ay aad ugu baahantahay in la garabqabato, lagana caawiyo dib u dhiska Dalka.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com