|

Kooxda Daacish oo sheegtay in ay Qudha ka Jareen mid ka mida labo Weriye oo Japan u dhashay oo ay ku hanjabeen in ay dilayaan

Elapo Jan 26,2015(SDN/QJ)-Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Syria iyo Ciraaq ayaa sheegtay in ay dileen mid ka mida laba suxuufi oo u dhashay dalka Japan oo gacantooda ku jiray.

Kooxda Daacish ay   dawlada Japan u qabatay 72 sacadood in ay ku bixiso $200 oo million si loo soo daayo Haruuna Yukuwa iyo Kenji Goto.

Kooxda Daacish ayaa sheegtay in ay dileen Haruna Yukuwa ka dib kolkii dawlada Japan ay bixin weyday madax furasho isla markaana ay dawlada Jordan culeys ku saari weyday in ay sii daayaan Sajida al-Rishawi oo xabsiga ay dhigtay dawlaa Jordan.

Raiisul wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe ayaa falkaa ku tilmaamay mid lala yaabo oo aan marnaba la cafin kareyn.

Dawlada Japan ayaa hore u shaacisay in aaney wax madax furasha ah siin doonin kooxda Daacish oo ay argegixiso u yaqaaniin.

Madaxda reer Galbeedka ayaa idilkood canbaareyn dusha u saaray kooxda Daacish iyo dilka ay u geysteen suxuufiga reer Japan.

Waa qofkii lixaad oo reer Galbeed ah oo ay kooxda Daacish qudha ka jarto intii ka danbeeysay bishii August ee sanadii ina dhaaftay.

SDN/QJ-Elepo

contact@qurbejoog.com

Comments are closed