“Waxaan u sheegaynaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland in Buuhoodle aan laga xukumin Laascaanood” Maamulka iyo Waxgaradka Buuhoodle DAAWO
Buuhoodle 26.Jan 2015 (SDN/QJ)- Qaar ka mid ah Waxgaradka iyo Bahda Caafimaadka ee Buuhoodle ayaa caddeeyey waxqabadka balaadhan ee ay wasaaradda caafimaadka JSL ka Fulisay Gobolada Buuhoodle iyo Sool, waxana ay taageereen Qorshayasha Wasiirka caafimaadka ee ku aaddan horumarinta xaaladda caafimaad ee dadweynaha Goboladaasi.
Xubnahan ka tirsan Waxgaradka Deegaanka Buuhoodle Waxay ka digeen Warar sheegaya in Xubno Siyaasiyiin ah oo u dhashay Gobolka Sool ay Dacwad la daba joogaan Wasiirka Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo toosiye