|

“Xisbul Xaakimkii Kulmiye iyo Xukuumadiisa Wax qabanqaabo doorasho kama Muuqato,Madaxweynuhu inuu Boorama Fadhiisto ayaan rabay Laakiin”… Maxamed Nuur Caraale Duur DAAWO

Hargaysa 25.Jan 2015 (SDN/QJ)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Nuur Caraale “Duur” haatanse ka Mid ah Saraakiisha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Sheegay inuu Walaac ku hayo Sida  Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbigeeda Kulmiye aanay uga Muuqan Wax qaban qaabo ah oo ku wajahan hawsha doorashada Madaxtooyada iyo Wakiilada ee ku Mudaysan in la qabto 26 Bisha June ee Sannadkan.

 

duurrMudane Maxamed Nuur Caraale Duur Waxa uu xusay in Waxqabadka Xukuumada iyo dhagax dhigiduba ay yihiin kuwo aan waafaqsanayn qaabkii iyo qorshihii Siyaasadeed ee dawladnimo.

 

Mudane Duur Waxa uu Saluugay in Safarkii Madaxweynaha ee Gobolada iyo Degmooyinka dalka aanu ka Turjumayn wax ka qabashada waxyaabaha Mudnaanta leh in la xaliyo isagoo si gaar ah u soo qaatay in Madaxweynuhu uu Saacado Kooban Joogay Magaalada Boorama oo tabasho siyaasadeed ka Jirto, Kuwaas oo uu Xusay inay Wax ka qabasho Mudan yihiin.

 

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka qayb qaadanayay Barnaamijka Milicsiga Siyaasiga ee Telefishanka Universal kaas oo uu daadihinayay Weriye Faysal Maxamed Cabdi “Fadhfadhle”.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed