Akhri Nuxurka Waraysi Xiiso Badan Oo Lala Yeeshay Wasiirkii Hore ee Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Sheegay Inaanu Madaxweyne Siilaanyo Musharrax Ahayn
Hargeysa:Jan,25,2015(SDN/QJ)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale Duur oo waraysi siiyey Tv-ga Universal, ayaa ka Hadlay Arrimo badan muhiim ah iyo waliba aragtidiisa siyaasadeed ee xaaaladaha guud ee Dalka haatan ka taagan.
Duur waxa uu si ballaadhan uga hadlay arrimo u badan dhacdooyinkii siyaasadeed uu soo maray xilligii uu wasiika arrimaha Gudaha ahaa, sababihii keenay inuu Xisbiga waddani ku biiro iyo waliba sida uu arko musharraxnimada Madaxweyne Siilaanyo ee muddada soo socota.
Siyaasi Duur ayaa carrabka ku ballaadhiyey aragtidiisa ku waajahan dhammaadka cimriga xukuumadda Kulmiye, waxana uu warwar ka muujiyey ifafaalaha soo muuqda oo ah mid aanay doorasho ku suurtoobi Karin,
“Xukuumadda Wakhtigeedii baa dhamaaday, waxay ku jirtaa ayaamihii ugu dambeeyey, waxay u baahan tahay wakhtigii taxadarka iyo feejignaanta la yeelan lahaa weeye, halka cabsiga lihi waa ee aan warwarka ka qabaa waa waxaynu galnay wakhti doorasho oo aan cidi u diyaargaroobin, waxaynu galnay wakhti meelo somaliland dabar u ahaa oo somaliland ku tiirsanayd cabatin kayimi oo aan la dhegaysan haddana col urursi iyo suldaan ciidan wataa ay ka bilaabmeen.” Ayuu yidhi Wasiir Duur.
Siyaasi Duur waxa uu sheegay in madaxweynaha aan cidi ka hoos qaadin tallaabooyinka la xidhiidha arrimaha u diyaargarowga Doorashooyinka soo socda, waxana uu tilmaamay inay taasi tahay caqabad taagan, waxana uu yidhi,
“Madaxweynuhu wuxu ku celceshay inuu sharraxan yahay tiraba shan jeer, oo u sharraxan yahay kursiga uu ku fadhiyo, cidda uu ugu celcelinayaana waa xukuumadiisii iyo xisbigiisii, ilaa iyo Imikana cidi kama ay hoos qaadin, doorashada wakhtigeediina waxa inooga hadhay afar bilood. Halkaynu maanta joognaana warwar bay leedahay”
Duur waxa uu ka Hadlay Sabaha keenay Guuxa Xubnaha Wasiirrada Xukuumadda ee ah inay Musharraxnimo aan la gaadhin ku dhawaaqaan, waxana isagoo arrimahaas ka Hadlaya uu yidhi,
“Madaxweynuhu xaq buu u leeyahay inuu is sharraxo laakiin masuuliyiintii hawsha wadi lahaa inaanay ka hoos qaadin baa muuqata, waxana uu sheegay inay dushiisa isku haystaan wasiirradiisu isagoo kursigii fadhiya, waxana kala duwan dareenka wasiirrada ku jira iyo dhawaaqa madaxweynuhu leeyahay, dareenka wasiirraduna waa inaanu madaxweynuhu musharrax ahayn taas baynu u leeyihiin Axmed Dabadii baanu musharrax nahay”
Mudane Duur waxa uu si cad u sheegay inaanu Madaxweyne Siilaanyo xilliyadii ay wada shaqayn jireen aanay ka muuqanin jawi uu ku doonayo inuu musharrax dambe noqdo, isagoo cago-jiidka ku jira doorashadana ku tilmaamay mid madaxweynuhu ku qariyo ceebaha xisbiga Kuliye ka dheg aloosan,
“Markaan ka tegay Madaxweynuhu wuxuu ahaa nin aan diyaar u ahayn inuu mardambe tartamo oo aan jeclayn, laakiin imikadan qudheeda waxan qabaa inaanu diyaar u ahayn inuu tartamo, dhibta ina hortaallana ma xallino laakiin dib baynu u dhiganaa, madaxweynuhuna imikadan dhibta xisbiga iyo ishaysadka uu sheegay inuu jiro ayuu doonayaa inuu dib iskaga dhigo oo ku riixo dabkaana ku bakhtiiyo inuu musharrax yahay, axmed-na taariikh wanaagsan oo dahabi ayuu dalka ku leeyahay, waxana aan jecelahay inuu taariikhdaas ku gunaanado inuu doorasho fiican dalka ka qabto.” Ayuu yidhi Duur.
Duur oo hadalkiisa sii wata ayaa ku adkaystay inaanay xukuumaddu doonayn inay doorasho qabato, isagoo sababtana ku sheegay inaanu xisbiga Kulmiye Lahayn musharrax cad oo doorashada u loolama, waxana uu yidhi,
“Madaxweynuhu ma sharraxna Hadduu sharraxan yahayna Xukuumaddiisa iyo xisbigiisa ayaa ku dhiiran lahaa inay taladiisa ku dhaqaaqaan, halka ay sartu ka qudhan tay ee aan doorasho loo qabanaynina waa xisbigii baan wali musharraxiisii la haynin.”
Dhinaca kale Duur waxa wax laga weydiiyey Sababihii keenay in xilka Wasiirnimo laga qaado, waxana uu sheegay inaanay jirin dhibaato keentay inuu xilkaas waayo, balse looga qaaday nimaad sharci ah oo aan ka duwanayn midkii markii horeba loogu magacaabay, waxana uu yidhi,
“anigu xilka ma doonan la iimana doonin, markii wasiirka la iga dhigayeyna ergo madaxweynaha u tagtay oo iiga codsatay inaan wasiir noqdaa ma jirin, madxweynuhuna isagaa iidoortay oo xilkaas ii qabo igu yidhi, markaan xilkaas muddo hayeyna madaxweynuhu isagaa iga qaaday, siduu magacaabistayda xaq ugu lahaa ayuu xilka qaadistaydana xaq ugu lahaa.”
Duur oo wax laga weydiiyey inuu inuu dareen qabyaaladeed ugu biiray Xisbiga Waddani, ayaa beeniyey arrintaas, isagoo ku adkaystay inuu talo uu saaxiibadii la wadaagay ugu biiray Xisbigaa,
“Qabyaaladda la xusaa aniga iguma jirto markii horena Kulmiye ayaan ahaa taladana rag badan baa lahaa oo kaliga igamay iman, qabyaaladda maanta la hadal hayaana halkay ka timi halla baadho, kulmiyey ka timi oo isagaa Golihiisii dhexe oo dhan reernimo kusoo xulay, Waddani kumay soo xulin.” Ayuu yidhi Duur.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com