|

Shaki Ka Dhashay Markab Hub Culus Sida Oo Kededda Berbera Kusoo Xidhay, Meesha Loo Waday Iyo Masuuliyiinta Ammaanka Oo Jawaab Raadinaya

Berbera:Jan,24,2015(SDN/QJ)-Markab ay saaran yihiin shixnado hub oo ay kamid yihiin Gawaadhi gaashaamani, ayaa kusoo xidhay Dekedda Berbera, waxana si kedi ah loogu dhex arkay hubkaas xilli uu dejinayey gaadiid ay lahaayeen Ganacsato Reer Somaliland ahi.

hub sidaMarkabkan oo lagu magacaabo MV-Shakir ayaa markii laga rogay gaadiidkii uu u siday Somaliland, waxa xagiisa hoose laga helay hub isugu jira mid culus iyo ku fudud, kaas oo fajac ku abuuray Masuuliyiinta dekedda Berbera oo ilaa haatan ku mashquulsan sababta hubkaas loosoo saaray Hubkaas iyo meesha loo waday.

Hubka lagu qabtay ayaa kala ahaa Hal Beebee, Hal Kaare oo ka mid ah gaadiidka dagaalka iyo 10 Landcruiser oo ay ka buuxaan shixnado hub ahi.

Kabtankii Markabkaasi waday ayaa lagu soo waramayaa in xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu luuqado kala duwan kaga hadlay halka uu u siday markabkaasi.

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa isagu xalayba booqday markabkaasi oo ku soo xidhay Dekeda Berbera.

Si dhab ah looma garanayo halka uu markabkaasi ku sii jeeday, hasayeeshee Kabtanka ayaa sheegay in markabkan uu u siday hubka Suudaan, Somalia iyo meelo kale, balse waxa uu hadda ku jiraa xabsiga.

Arrintan ayaa jaahwareer ku abuurtay Masuuliyiinta ammaanka ee Somaliland, waxana baadhitaanno kala duwan lagu hayaa Dhammaanba agabkii markaasi siday iyo ciddii wakiilka u ahayd oo su’aalo kala duwan la weydiinayo.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed