|

Aqoonsi la’aanta Somaliland,Sida ay Halis ugu tahay Xasiloonida iyo Ammanka Mandaqadda Warbixin Lafo Gur ah

Hargaysa 15.Jan 2015 (SDN/QJ)- Wargeyska La Nouvelle Chronique oo ka mid ah warbaahinta ugu faca-weyn ee ka soo baxday dalka Faransiiska, isla makraana si gaar ah u falan-qeeya siyaasadaha caalamka, ayaa todobaadkan warbixin dheer ka qoray horumarka Somaliland iyo halista beesha caalamka ka soo waajihi karta aqoonsi la’aanta Somaliland.

 

capture-d_c3a9cran-2014-12-28-c3a0-13-12-16-300x172Warbixinta ayaa lagu sheegay in marka loo eego xaaladaha ka jira Soomaaliya, gobolka iyo xasilooni la’aanta caalamka ee xilligan in Somaliland oo la aqoonsadaa meesha ka saarayso cabsi badan oo ammaan-darrada gobolka Geeska Afrika ka jirta, si loo daboolo qaybo yar oo ka mid ah Saamayn kooxaha xag-jirka ahi ku keeni karaan Mandaqadda Geeska Afrika.

 

Warbixinta oo Wargeyska Himilo soo kooban, ayaa lagu bilaabay sidan: “Xaqiiqo ahaan Somaliland waxay u muuqan kartaa tusaale dalalka khilaafyo saameeyeen ee Afrika. Dhab ahaan xasiloonida Somaliland waxay lagu gaadhay wadaxaajood gudahooda oo hantidooda iyo dhaqaalaha qurba-joogooda lagu socodsiinayey.

Nooca dib-u-heshiisiintooda lagu unkay nabadgelyadoodu weli mid la mid ah kama dhicin qaarada Afrika oo baddi dibedda looga soo waarido, gaar ahaan Soomaaliya. Isla-falgalka nidaamkoodii dhaqan iyo hay’adaha dawladnimo waa hab ku cusub dunidda.

Aqoonsi la’aanta waxay Somaliland geyeysiisay inuu ka maqnaado faa’iidooyinka wadan ku helo ka mid ahaan besha caalamka. Kheyraadkiisa xilligan waxuu ku tiirsan yahay xoolaha, kheyraad shidaal iyo macdan saadaal fiican leh. Taasoo helitaankooda aqoonsi caalami u sahlayo inay fursad u helaan hay’adaha caalamka iyo dhaqaalahooda si ay uga faa’iideeyaan dhaqaalahooda iyo xasiloonidooda bulshada.

Qoraalka wargeyska ayaa lagu sheegay in beesha caalamku ku waayi doonto aqoonsi la’aanta caalamka danno fara badan, uguna horeyso dalka Somaliland ta koowaad. Ka xidhnaanteeda suuqyada caalamka iyo dhaqaalahoodu, waxay abuuri karaan in dhalinyaradu u haajiraan dalalka kale.

Somaliland halgan adag ayey kula jirtaa budhcad badeedka, oo baddi ka abuuran jaarkooda Puntland, inkastoo taageero caalami kooban helaan ciidamadooda xeebahu, dheeraad dhaqaale, sida isticmaalka dekedooda Berbera ciidamada baddaha kale ma heli karaan aqoonsi la’aan. La dagaalanka tahriibka ma tisqaadayo la’aantood, maadama Somaliland ku taal marin xasaasi u ah goobaha uu ka bilaabmo, aqoonsi la’aantu caqabad ayey ku keenaysaa la dagaalankooda.

Qurbajooga Somaliland oo badan darteed lacago badan u dira eheladooda gudaha, way fududaan karaan in lacago budhcad badeed ama argagaxiso ku dhacaan, inkastoo uu jiro iskaashi shirkadaha xawaaladaha iyo maamulku ka leeyahiin, haddana nidaamka ilaalinta lacagahaasi wuu sii wanaagsanaan lahaa hadii Somaliland haysato ictiraaf caalami ah.

Somaliland qeyb kama ah booliiska caalamka iyo si loo dabagalo ama loo ilaaliyo dembiilayaasha caalamka, inkastoo ay ku taalo goob ka xasiloon gobolka ugu halisan aduunka. Waa dhab, in aqoonsigu u sahli lahaa inay ka wadaagaan dalalka kale macluumaadka sirdoonka si looga hortago hawlgalada argagxisada.

Marka loo eego xaaladaha Soomaaliya, gobolka iyo xasilooni la’aanta caalamka, aqoonsi la’aanta Somaliland ma horseedi doonto xasilooni laga gaadho gobolka, markaa waa inaan xaqiiqsanaa in aqoonsi ay hesho xal u yahay xasilooni ka dhacda gobolka.

Sidoo kale, xukuumada Somaliland waa inay isu-dheeli-tirtaa, kordhisaa halgankooda iyo xidhiidhada ay la yeelanayaan dalalka jaarkooda ah. Waxa looga baahan yahay inay u ballanqaadaan xasiloonida gobolka, iyo awoodooda inay la macaamili karaan siyaasadaha caalamka, iyagoo kobcinaya muhiimadahooda (goobta istaraajiga ay ku yaalaan, kaabayaasha, waxbarashada, maalgashiga, cashuuraadka) si ay u helaan saaxiibo jilayaasha caalamka dhinaca horumarka dhaqaalaha, iyo xasiloonida gobolka.

Dhab ahaan, inbdan oo jilayaasha caalamku waxay quudaraynayaan maalgashiga waxsoosaarka gudaha Somaliland ama horumarinta baahiyaadka koowaad ee bulshada.

Qaarada Afrika, ugu dambayn, aqoonsi Somaliland hesho yaanay u arkin inuu ku abuurayo daaqad goosasho (sida hogaamiyeyaasha qaarkood sheegaan) in wadamo kale go’itaankooda ay horseedayso, balse dhinac kale waxay abuuraysaa in dadka waxqabsada u noqoto tusaale lagu abaalmariyo ismaamulkooda iyo la dhaqanka jaararkooda, ama Soomalida kale. Si kasta faa’iido iyo juhdi ka soo gaadha Somaliland, wadamada Geeska Afrika iyo beesha caalamka, aqoonsigu waxuu u muujinayaa xuduudaha Afrika mid ka fog xasilooni daro iyo khilaafaad, balse noqdaan kuwo xasiloon oo muujiya xooganaanta awooda wadan. Waa fursad in aqoonsiga Somaliland inuu u muuqdo nidaam cusub oo bedela awoodaha siyaasadaha Afrika,” sidaas ayaa lagu sheegay warbixinta.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed