|

Kooxo Hubaysan oo Taageersan Suldaan Wabar oo soo Weerar ku soo qaaday Ciidanka Qaranka iyo Waraaqo Diiwaangelinta lagu diidan yahay oo Boorama lagu daadiyay

Hargaysa 15.Jan 2015 (SDN/QJ)- Koox Maleeshiyo ayaa  soo weerartay xero ciidamada Somaliland ku leeyhiin deegaanka Holhol ee koonfur galbeed Borama, waxaanay ku rideen rasaas.

Ciidanka Somaliland wax jawaab ah kamay bixin rasaastaas kooxdii weerarka soo qaadayna iyaga oo aan wax khasaare ah gaysan ayay dib uga noqdeen deegaankii ay ka soo galeen Somaliland, waxaanay u talaabeen xuduudka Itoobiya.

Xukuumadda Somaliland masuuliyiinta ka jooga Gobolka ayaa saaka isugu yeedhay Cuqaasha Gobolka, waxaanay ka dalbadeen inay keenaan war cad oo ah inay wax ka qabanayaan deegaanada ay ka soo talaabayaan iyo in ay xukuumaddu go’aan ka qaadato dhamaan deegaanada ay ka soo talaabayaan.

Cuqaasha ayaa la sheegay inay qabsadeen illaa barri inay go’aan ka soo gaadhi doonaan labada la kala dooransiiyey.

Ilo wareed u dhuun daloola kulanka manta ayaa la sheegay in uu Taliyaha Qaybta Gobolka Awdal ka war hayeen kooxdan, kuwaas oo uu sheegay inay Reer Qulujeed diideen inay deegaamadooda dhex maraan balse ay soo dhex mareen deegaanka ay xalay ka soo talaabeen.

Dhinaca kale, waraaqo ay ku qoran yihiin erayo lagaga soo horjeedo xukuumadda iyo Diiwaangalinta Madaniga ah ayaa lagu soo waramayaa in magaaladda Borama lagu daadiyey.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed