Mareykanka oo ka digay xeebta Muqdisho isla markaana sheegay in Shabaabku khtar ku yihiin Kenya iyo Jabuuti
Washington Jan 13, 2015 (SDN/QJ)-Dawlada Mareykanka ayaa digniin ay u jeedisay muwaadineenta safarka ku maraya aaga xeebaha Soomaaliya khaasatan xeebta Muqdisho.
“Khatartii afduubka marakiibta weli wey ka jirtaa xeebaha Soomaaliya, khatartu waxa ay gaarsiisan tahay ilaa 1,000 mile oo cabirka badda ilaa Kenya iyo Yemen”ayaa lagu yiri qoraal Mareykanku soo saaray.
Mareykanka ayaa sidoo kale ka digay in muwaadiniintoodu booqdaan dalalka Kenya iyo Jabuuti oo uu sheegay in ay dhici karto in Shabaabku weeraro halkaa ka geystaan.
Mareykanka ayaa tiraba dhawr waxa uu digniino ka soo saaray amaanka wadamada geeska Africa oo uu sheego in ay ka jirto khatar amni.
SDN/QJ-Washington