Guddoomiyaha Baanka Oo Soo Kormeeray Dedaalo Hoos Loogu Dhigayo Qiimaha Dollarka Oo Saraakiisha Baanku Ka Wadaan Magaalada Hargeysa
Hargeysa:Jan,14,2015(SDN/QJ(-Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi, ayaa maalintii shalay soo kormeeray Iskudayo Baanku lacago doolar ah suuqa ku geliyey, kuwaas oo lagula dagaalamayo Qiimo koror ayaamahan laga dareemayey Lacagta Doollarka.
Lacagahan Dollarka ah ee Baanka dhexe suuqa geliyey, ayaa waxa ku dadka shacabka ah loogu beddelayey lacagaha kaashka ah ee ay hayaan, iyadoo lagu siinayey qiimo ka heeseeya midka suuqa lagaga sarrifayo.
Guddoomiye Dirir oo aanu wax ka weydiinay tallaabada Baanka dollarka suuqa ku geliyey ayaa sheegay inay arrintan uga dan leeyihiin inay hoos ugu dhigaan qiimaha dollarka si meesha looga saaro culayska dhaqaale ee sare kaca doolarku ku keeni karo Bulshada danyarta ah iyo noloshoodaba,
“Baanku waxa uu suuqa geliyey Lacago dollar ah oo ay dadweynaha lacagaha kaashka ah sitaa ku heli karaan qiimo ka hooseeya midka suuqa lagaga sarrifayo, waxana dadka sidaad arkaysaan si xoog ah safaf ugu jiraan sidii ay fursadahan baanku bixiyey uga faa’iidaysan lahaayeen, waxana aanu rajaynaynaa in qiimaha Dollarka tallaabadan Baanku wadaa ay saamayn ku yeelan doonto,” ayuu yidhi Guddomiye Cabdi Dirir Cabdi.
Guddoomiye Dirir ayaa kormeerkiisan shalay waxa uu ugu kuurgeliyey sida ay shacabku ugu heelan yihiin inay lacagaha qiimaha jaban leh qaataan, waxana la filayaa inay saamaynta tallaabada Baanku wax ka beddesho qiimaha Dollarka oo kor u kacay ayaamahan dambe, taas oo maciishada lafteeda saamayn ku yeelatay.
Lacagaha Baanku keenay Suuqa oo dhammaantood ahaa Dollar, ayaa Halka Dollar shacabka Loogu sarrifayey $6500, somaliland shillin, halka uu suuqa ka ahaa $7000, Somaliland shilling, waxana suuqa shalay laga dareemayey waxoogaa hoos u dhac ah oo dollarka ku yimi, kaas oo aan la hubin inuu sii waari doono.
Guddoomiye Dirir oo Saxaafaddu wax ka weydiisay Sababaha keenay Kor u kaca Qiimaha Dollarka, ayaa arrintaas u nisbeeyey Dollarkii oo Suuqa ku yaraaday ama dhammaantii galay Jeebka Dadka Maalka leh, waxana ay taasi keentay in kaashkii suuqa ku bato,
“Maadaama bilo ka hor laga soo baxay carrafadii oo dadka badankoodu qaateen lacagihii xoolaha oo dhammaantood dolar ah, waxa taasi keentay in Dolarku yaraado oo gacantii shacabka uu ka maqnaado.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cabdi Dirir.
Baanka dhexe ee Somaliland, ayaa muddoyinkan dambe ku Hawllanaa dedaalo uu lacago doolar ah oo qiimahoodu ka hooseeyo kuwa suuqa uu dadka uga Iibanayo, balse tallaabooyinkaasi wali saamayn muuqata kamay muujin suuqa, maadaama Awoodda Baanku aanay gaadhsiisnayn heer ay si degdeg ah u beddesho qiime kasta oo suuqa ka abuurma.
Lacagaha dollarka ayaa muddooyinkan dambe kor kacayey Gudaha Somaliland, waxana taasi ay saamayn ku yeelatay nolosha dadka, iyadoo uu Baanku ku Hawllan yahay dedaalo uu kula tacaalayo qiime korodhka dollarka oo intii tamartooda ah ay madaxda Baanku sheegeen inay la dagaalamayaan.
Shacabka Somaliland ayaa intooda Badan waxa ay Noloshuudu ku tiirsan tahay Lacagta Dollarka, iyadoo biilal si joogto ah Dibadda looga soo diro, waxana Dhamaamba Suuqyada Dalka wax lagu kala iibsadaa Lacagta Dollarka, waxana kaliya shilinka Somaliland dadku wax ku iibsan karaan Marka waxa la iibsanayaa kooban yahay oo aanu qiimihiisu sarraynin.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com