“Shantan nin(IGAD) inagu wareegsan ee Xayraanka ah ee Igad la baxay meesha(somalia) way u shaqo tagaan xumaan inaanay ka sheegaynna waa la ogaa.”Xildh. Indho Indho
Hargeysa:Jan,14,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Guurtida Somaliland Cabdiqaadir Indho indho, ayaa ka hadlay Natiijada kasoo baxday shirkii Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Urur-goboleedka IGAD dhawaan ku yeesheen Magaalada Muqdisho, waxana uu tilmaamay inaanay qoddobo ku jirey Warmutiyeedkii shirkaasi aanu ahayn wax somaliland qariibsato oo laga dido.
Mudane Indho indho waxa uu sheegay in caqliga saliimka ahi si fiican u garan karo inaan dalalka Xubnaha ka ah Urur-goboleedka IGAD aanay dhex ka noqon Karin arrimaha Somaliland iyo Somalia dhexdooda yaalla, waxana uu arrintaas u daliishaday inay ilaashanyaaan masaaliixda ay Somalia ka helaan.
Xildhibaan Cabdiqaadir Indho indho oo warbaahinta la Hadlay warbaaahinta, ayaa sheegay in xubnaha IGAD ay dhammaantood dhaqaale badan ka helaan Burburka Somalia, sidaas darteedna ay isaga u caddahay inaanay soo saari doonin wax Somalia aan ka farxinaynin,
“IGAD inaanay Somalia iyo Somaliland dhex u noqonayn Ilmaha yare e Carruurta ah baa garanaya, waayo Nimanka Igad Ciidamadoodii waxay joogaan Meesha Baaba’day ee Somalia la Yidhaahdo, dee Nimankaas xamar u shaqo tegay inay Somaliland oo aanay u shaqo tegin u xaqsooraan anigu marnaba ma filaynin, adduunkana lacag bay kaga gurtaan Shantan nin(IGAD) inagu wareegsan ee Xayraanka ah ee Igad la baxay meesha way u shaqo tagaan xumaan inaanay ka sheegaynna waa la ogaa.” Ayuu yidhi Xildhibaan Indho Indho.
Xildhibaanka oo Hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dhaqaalaha IGAD Ka hesho Somalia marka la eego ay ku khasban yihiin inay wagaageeda ku dedaasho, waxana uu Su’aal geliyey Haddii la helo degenaanshaha Somalia meesha ay dhaqaale ka raadsan doonaan, waxana uu yidhi,
“IGAD aduunyadu xisaab xidh bay ka rabtaa oo lacagtan ciidamadooda la siiyo adunka bixiya, markaa caddaalad iyo aqoonsi midna kama filayo, haddii ay Somalia Nabadi ka dhacdana meel ay shaqayn donaan garan maayo.”
Dhinaca kale Xildhibaan indho indho waxa uu ka Hadlay Wada-hadallada Somalia iyo Somaliland u dhexeeya, waxana uu sheegay in laga leexiyey waddadii caalamku u jeexay inay wada-hadalladu raacaan, isagoo carrabka ku adkeeyey in lagu dhiirrado arrimaha Masiiriga ah ee muhiimka ah,
“Arrinta wada-hadallada Mushkilladda Meesha taallaa waxa weeye aduunku wuxu yidhi waxad u wada Hadashaan laba dawladood, waxana aad ka wada Hadashaan Mustaqbalka sidii aad u wada Noolaan lahaydeen, wixii la ina yidhi ka wada Hadla kama wada Hadalnee waxaynu ka wada Hadalnaa Hawo iyo Kalluun iyo wax kale oo aan ahayn wixii guud ee la yidhi ka wada Hadla. Muhiimadduna waa wixii maalintii dhaweyd Ismaaciil Cumar Geeleb sheegayey ee uu lahaa waar siyaasadda ku dhiirrada oo mustaqbalka sidaad u wada Noolaan lahaydeen ka wada Hadla.” Ayuu yidhi Xildh. Indho indho.
Xildhibaan Indho Indho waxa uu tilmaamay in arrimaha kulamada oo dhan wakhtiga lagu lumiyaa ay yihiin arrimo farsamo oo ay muhiim ahayd in marka dambe laga wada Hadlo, waxana uu yidhi,
“Hadii aan Taas le helay o Nuxurka aduunku yidhi ku dhiirrada aynaan ku dhiirran, dee waxan kale waa arrimo Farsamo oo waa wixii marka dambe laga wada Hadli lahaa.”
Ugu Dambayntii waxa uu xildhibaan Indho Indho Soo Jeediyey in mar haddii aan lagu dhiiran Karin wixii muhiimaddu ahayd la iskaga Baxo wada Hadallada lala leeyahay Somalia, waxana uu yidhi,
“Anigu waxan soo jeedin lahaa inaynu Gebigoodaba iska dayno wada-hadalladooda ama sidii adduunku yidhi u wada Hadla aynu wada Hadalno ilayn sidan aynu haatan u wada Hadlaynaa sidii la yidhi u wada Hadla ma ahee.”
Xildhibaan Indho Indho, ayaa kamid ah Mudanayaasha Guurtida ee Inta Badan codka dheer ku sheega arrimaha la xidhiidha qaddiyada Somaliland, waxana sidoo kale la aragti yahay Mudanayaal iyo Shacab Badan oo kasoo horjeeda Hannaanka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u abbaartay Wada-hadallada ay la leedahay dhiggeeda Somalia.
SDN/QJ