|

Walaaca Sicir Bararka Nolosha Bulshada, Danaysiga Ganacsatada ,Daawashada Xukumadda Iyo Dooda Guurtida

Hargaysa 14.Jan 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaanada Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa lafo gur adag ku sameeyay Xaalada dhaqaale ee dalku maanta ku sugan yahay  waxaana badiba mudaneyaasha dooda ka qayb qaatay sheegeen in Dhaqaalaha Bulshadu hooseeyo islamarkaana Ganacsatadu siday doonto ka yeesho, Xukumadduna doorkeedii xakamaynta gabtay.

GuurtidaXildhibaan Axmed Muuse Obsiiye,XildhibaanSiciid Cabdillaahi iyo Xildhibaan Sahal Iidle Dirir, oo ka mid ahaa Mudaneyaasha Dooda ka qayb galay ayaa si xooggan walaac uga muujiyay Sixir Bararka dalka ka jira, hoosaynta dhaqaalaha Bulshada, Cashuuraha kor loo qaaday iyo Ganacsato aan waxba u tudhayn oo u haad heshay.

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye ayaa sheegay in Sixir Bararku Meel sare marayo Xukumadduna aanay xakamayn sidii hoos loogu dhigi lahaa “Shidaalkii Dunida inbadan ayuu hoos u dhacay, wallina waxaynu taagannahay 10-kii Dollar(Halkii Litir $1) iyo intii ka badnayd, Marka horeba Soomaali ahaan Caadaynu leenahay oo waa ta wax inaga xumaysa, haddaynu wax kordhino dib uma soo celino Koob Shaah ahna ku dhehoo, laakiin ciddii dib u soo celin lahayd ee Tacriifadda wax ku salayn lahayd waa Xukumadda,Arrinkaas Xukumaddu danteeday ka raacday wayna ilawday hawshii Shacabka”

Xildhibaanku waxa uu Sheegay in Cuntada dalka loo soo waaridaa tahay mid tayo ahaan hoosaysa “Dalkeena Raashin baa la keena,Raashinkaasi Adduunyada kii ugu xumaa weeye, waxa jirta Maraakiib dhan oo Salliid ah oo tujaarteenu keentay oo aan dadkuba cunin xanuuno badana keentay.Bariiska ka ugu liita ayaa la inoo keenaa, Baastadana ta Ugu liidata ayaa la inoo Keenaa waana labada inoogu badan”

XIldhibaanku waxa uu ku taliyay in xoogga la saaro wax soo saarka “Waxqabashada Dawladdu ha inoogu bedesho wax soo saar. Raashin baynu leenahay oo dhulkeena waxbaa ka baxa ee haddii la doonayo in dhaqaaluhu kobco aan dhulkeena wax ka soo saaro.Cashuur la kordhinayaa waxba inooma tarayso, Dawladna wax u tari mayso, shacabkana way dilaysaa ee Waxqabadka dawladda ha lagu saleeyo wax soo saar”

Xildhibaan Obsiiye oo hadalkiisa sii wataa waxa uu farriin u diray Ganacsatada “Ganacsatada waxaan leeyahay, inta kolba Mashiin yar oo dawladdeed Qandaraas igu siiya leedihiin, fadlan waxaad u baydhaan oo lacagtiina galisaan sidii wax loo soo saari lahaa ee dalku wax soo saar cunto u heli lahaa, adduunyadana ta la isku dhaafay waa beeraha.” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xildhibaanku waxa intaasi raaciyay “Baayac mushtariga inyar oo dhiig miirato ah baa samaysantaye, halagu soo celiyo Baayac mushtarigii isku miisaannaa ee midna keeni jiray midna ka sii Iibinsan jiray, sidaynu hore ugu maraynaa waa sidaas laakiin, Nin taajir ah oo Galaankiina Iibinaya Jawaankiina Iibinaya waynu ku baabanay.Maanta Somaliland sidii Hindiya ayay saddex dabaqadood u qaybsantay, waa in Liidata, in wali Noloshoodu sii jiitamayso iyo in cirka gaadhay”

 

XildhibaanSiciid Cabdillaahi oo isna ka qayb qaatay Dooda ayaa sheegay in intii Xukumadda Kulmiye jirtay Bulshada ay ku kordheen waxyaabo badan oo intii hore hooseeyay “Dhaqaaluhu waa laba, Waa ka xukumadda iyo ka Bulshada, dhaqaalaha Xukumaddu wu uKordhay oo iyagaa sheegay inay markii hore ugu yimaadeen 47 Milyan oo dollar haddana uu marayo 250 Milyan dollar.

Markii Xukumaddani timid Doolarku($100) wuxuu marayay SLSH 600,000,maanta wuxuu marayaa 735,000, Boqol iyo shan iyo soddon ayaa ku kordhay, markaa waxan kordhay ee ay sheegayaan waa wax dadweynaha ku kordhay oo dhaqaalahoodii dhabarka ka jabiyay.

Marka dhaqaalaha Xukumaddu kor u kacaba waxaa barbar socda Kiradii guryaha oo Dollar ah oo korodhay, Dhakhtarkii dadka baadhayay ee 10-ka kun ee Somaliland shilling-ka ahaa oo 20 Dollar tagay tigidhkiisii.” Ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cabdillaahi.

Xildhibaan Sahal Iidle Dirir, oo isna ka qayb qaatay dooda Mudaneyaasha Guurtida ayaa walaac ka muujiyay heerka dhaqaalaha Bulshada “Dhaqaalaheenu runtii aad iyo aad buu u liitaa oo waynu Ognahay inaynaan waxba soo saarin.waxaan qabaa inaynu wax ka bedelo qaybkaynu u shaqaysano, tusaale ahaan waxaad arkaysaa intaas oo Mashruuc oo maalin walba la furayo laakiin, mid kaliya oo wax soo saar oo dalka wax soo galinayaa sida beerha kuma jiro. Qoladeena Ganacsatada ahi wuxuun bay raadinayaan maalin taajir. Ninkasta oo isku daya inuu Ganacsado wuxuun buu ku fikirayaa sidii uu muddo kooban ugu noqon lahaa taajir, wax alle wax uu u tudhayaana maba jirto” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Dooda Mudaneyaasha oo socotay muddo dhawr saacdood ah ayaa inta badan ee Mudaneyaasha ka qayb galay waxay waafaqeen hoosaynta heerka dhaqaale Bulshada iyo inay haboon tahay in Xukumaddu dadaal galiso sidii dhaqaalaha Bulshada kor loogu qaadi lahaa loogana xakamayn lahaa Ganacsatada oo sixirkay doonto wax ku iibisa.

Comments are closed