|

Haweenay Faransiisku Si Weyn U Raadinayo Oo La Xaqiijiyey Inay Ku Biirtay Kooxda ISIS Iyo Wadaddii ay u Martay

Stanbul:Jan,13,2015(SDN/QJ)-Hayat Boumediene oo ah Haweenay Faransiiku Baadigoob ugu jiro, laguna xidhiidhiyey Weerraradii dhawaan Magaalada Paris dhexdeeda lagu qaaday, ayaa Kaameradaha Qarsoon eek u rakiban Garoonka diyaaradaha ee Stanbul ay qabteen iyadoo halkaas ka dhoofaysa.

cordHayat Boumeddiene ayaa lagu arkay iyadoo ka gudbeysa Garoonka diyaaradaha ee Istanbul dalka Turkiga, 2-dii bishan January todobaad ka hor inta aan la qaadin weeraradii Paris ee Isbuucii la soo dhaafay.

Seygeeda Amedy Coulibally ayaa weeraray Jimcihii la soo dhaafay xarunta laga dukaameysto, halkaasoo uu ku dilay afar ruux, ka hor inta aanay ciidamada ammaanka toogan, waxaana ninkan uu isna ka soo muuqday muuqaal uu uga hadlayo sababta uu weerarka u qaadayo.

Ciidamada Faransiiska ayaa haweeneydan aad uga baadigoobayay dalka Faransiiska, kadib markii la ogaaday in seygeedii Amedy Coulibally iyo labo nin oo walaalaha oo weeraray Xarunta Wargeyska Charlie Hebdo iyo Xarun ganacsi laga dukaameysto ee ay lahaayeen Yuhuuda oo ku taalay bariga magaalada Paris.

Sirdoonka Faransiiska ayaa hore u sheegay in Hayat Boumeddiene ay qeyb ka aheyd weerarkan, isla markaana ka baxsatay, waxaana muuqaalada haweeneydan lagu shaaciyay baraha Internet, si ciidamada ugu suura gasho in la soo qabto.

Hase ahaatee waxaa soo baxday in Haweeneydan lagu magacaabo Hayat Boumeddiene ay aaday dalka Suuriya, ka hor inta aanu dhicin weeraradii Paris ee saddexdii maalmood.

Wasiirka Arrimaha Dibada Turkiga ayaa sheegay in Hayat iyo nin kale ay ka gudbeen garoonka diyaaradaha Istanbul, markii ay ka soo dhoofeen magaalada Madrid ee dalka Spain 2-dii bisan.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibada Turkiga ayaa sheegay in lix maalmood kadib ay ka gudubtay Xuduuda u dhaxeysa Turkiga iyo Suuriya, iyadoo la rumeysan yahay inay ku biirtay dowladda Islaamiga ee IS.

Saraakiisha Ammaanka Turkiga ayaa baahiyay muuqaalka qarsoon ee CCTV ee haweeneyda iyo nin kale oo la socday oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha Istanbul, kuwaasoo qeybta Passport looga dhifto viisaha dal ku galka ay kaamirada qarsoon ka sawirtay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed