|

Wasiirkii Beeraha Xukuumadda Cusub Ee Somalia Oo Iscasilaad Ku Dhawaaqay iyo Sababaha uu Cuskaday

Muqdisho:Jan,13,2015(SDN/QJ)-Mudane Xuseen Maxamed Sheekh(Badni) oo shalay uun loo magacaabay wasiirka Beeraha xukuumadda Cumar Cabdirashiid, kana mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka, ayaa sir rasmi ah iscasilaadiisa ugu gudbiyey Ra’isal wasaaraha.

badniMd. Xuseen Maxamed Sheekh (Badni) oo aroortii hore ee shalay loo magacaabay Wasiirka beeraha ayaa sheegay in wixii ka dambeeya is casilaadiisa aanu ka tirsaneyn Golaha Wasiirada cusub ee Dowladda Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid.

“Markii aan la tashaday beesheyda Digil iyo Midhifle way ku qanci waayeen xilka Wasiirka Beeraha” ayuu yidhi Md. Badni oo sheegay inay sababtaasi ku timid casilaadiisa.

Dhinaca kale Md. Xuseen Maxamed Sheekh ayaa ugu baaqay Ra’iisal Wasaaraha cusub inuu booskiisa u magacaabo qof kale, isagoona sheegay inaanu isagu ka tirsaneyn marnaba Golaha Wasiiradiisa cusub.

Md, Badni ayaa noqonaya mas’uulkii ugu horeeyay ee si degdeg ah isaga casila Wasiirada cusub ee uu  ku dhawaaqay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid, iyadoo tallaabadani ku soo beegantay xilli qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ay ku dhawaaqeen inay ridayaan xukuumadaan cusub, bacdamaa jagooyin loo magacaabay xubno hore uga tirsanaa Dowladdii Ra’iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed iyo eedeymo kale oo far badan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed