Gudi Hoosaadka Ilaalinta iyo dabagalka Hantida Qaranka oo Soo Bandhigay Lunsiga Malaayiin Dollar DAAWO
Hargaysa 13.Jan 2015 (SDN/QJ)- Gudi Hoosaadka Ilaalinta iyo dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa si adag uga Hadlay ansixinta Golahooda ee Xisaab Xidhadii Lixdii Sannadood ee u danbeeyay iyagoo ku eedeeyay Shirgudoonka inuu marin habaabiyay Talo bixintii ay Gudidoodu ka soo jeediyeen Xisaab xidhadan oo ay xuseen in qaarkood uu Mad madow badani ku dhex jiray gaar ahaan qaabka isu gaynta .