|

Qoraal is burinaya oo Maxkamada Racfaanku Xayiraad Wakhti hore ah dib u saartay Wargayska Hubaal AKHRI

Hargaysa 13.Jan 2015 (SDN/QJ)- Maxkamada racfaanka gobolka Maroodi-jeex ayaa xayiraad sharci daro oo aan geedna loogu soo gaban dib u saartay wargeyska madaxa-bannaan ee Hubaal oo kasoo baxa magaaladda Hargeysa kaas oo doraad ay maxkamada Gobolku ka qaaday xayiiradii saarneyd wargeyska islamarkaana shalay wargeysku bilaabay shaqadiisii hasa yeeshee Habeenkii Xalay ayaa loo keenay Xayiraad kale oo Ku Taariikhaysan Xili hore.
Amarkan dambe ee dib loogu saaray xayiraadii saarneyd wargeyska Hubaal ayaa sharci daro aan geed loogu soo gaban ah islamarkaana ah tacadi iyo xaqdaro ummadu si toos ah u arkayso oo garsoorka dalku kula kacay wargeyska Hubaal iyadoo uu wargeysku mudda intaa le’eg u xayirnaa dacwad la’aan iyo kiis aanay maxkamad u hayn
Waxay ahayd 25-kii bishii sideedaad ee sanadkii ina dhaafay 2014 markii ay maxakamada gobolku ay xayiraadii saarneyd ka qaaday wargeyska Hubaal,waxaana saacado kadib haddana xayiiradii saarneyd dib ugu celisay maxkamada racfaanka.

Scan0003

Comments are closed