|

2-Haween Oo Markale Isku Qarxiyey Dad Shacab ah Oo Ku Noolaa Gudaha Dalka Nigeria Iyo Cabsida Oo Sii Badanaysa

Potskum:Jan,12,2015(SDN/QJ)-Maalin kadib markii ay Haweenay Da’yari isku qarxisay Goob dad shacab ahi ku sugnaayeen Gudaha Nigeria, ayaa xalayna waxa markii labaad qarax fuliyey laba Haween ah Gudaha  magaalada Potiskum ee waqooyi bari Nigeria.

natioUgu yaraan afar qof oo kale ayaa ku dhintay weerarkaasi, waxaana ku dhaawacmay in ka badan afartan qof.

Qof goobjooge ah oo ku sugan magaalada Potiskum ayaa Warbaahinta u sheegay in qaraxyada ay u dhaxaysay daqiiqad, waxana qaraxyadu kala dambeeyeen Hal daqiiqo, iyadoo qaraxuna ka dhacay Goob Mobile-da lagu iibiyo.

Bamka labaad ayaa qarxay markii dadku ay isku dayeen in ay caawiyaan dadkii ku dhaawacmay qaraxii hore.

Dakhtar booqday goobta ayaa sheegay in uu arkay hadhaaga labo suumanka qarxa ee ay adeegsadeen labada dumarka ah.

Waxa uu sheegay in ay u muuqdeen in labaatameeyo sano ay jireen.

Sabtidii ayaa gabadh da’yar waxa ay weerar kale oo ismiidaamin ah ay ku qaaday magaalada ugu wayn waqooyi bari Nigeria ee Maiduguri waxaana ku dhintay ugu yaraan sagaal iyo toban qof.

Weerraradani waxa ay imanayaan kaddib wararkii sheegayay in boqolaal dad ah lagu dilay magaalo ku taalla gobolka Borno oo ay qabsadeen Booko Xaraam.

Dadka ka cararaya magaalada Baga waxa ay sheegeen in todobaadkii la soo dhaafay ay dad hubaysan oo Booko Xaraam ah ay halkaasi ku dileen boqolaal dad ah.

 

 

 

 

 

SDN/QJ

Timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanes.com

Comments are closed