“Mushkilada Awdal ka taagan iyo Suldaankan la sheegay inuu Buuro fuulayna meesha may qabanayn oo haddii reer Awdal ay wax tabteen sida salaadiintii kaleba u sugayaan”Siciid Sulub.
Hargeysa:Jan,12,2015(SDN/QJ)-Wasiirkii Hore ee Hawlaha Guud iyo Guryeynta Xukuumaddi Dahir Rayaale, ayaa ka Hadlay Arrimo Badan oo ka jira Gudaha Somaliland oo ay kamid yihiin Maamulka Khaatumo iyo Xiisadda ka Taagan Meelo kamid ah Gobolka Awdal.
Siciid Sulub oo u warramay TV-ga Universal, ayaa ugu horrayn ka Hadlay arrinta Maamulka Khaatumo oo dhawaan sheegtay inuu ka samaysmay Bariga Somaliland, waxana uu tilmaamay inuu qabo in arrintaas lagu xalilo wada Hadal lala galo Hoggaanka kooxdaas, “cidda aan eedda saarayaa waa madaxda qaranka oo inta aan ciidanka qaranku rugaansan ama awood ciidan la isticmaalo inay wax xallilaanMarxaladda ay marayso waxan jecelahay in lagu dhameeyo wada Hadal, maadaama Cali Khaliif wada Hadal ogolaaday dawladduna ogolaato, waanan filayaa inay socaan wada hadallo, laakiin wada Hadalladaas rasmi laga dhigo.”ayuu yidhi Siciid Sulub.
Sidoo kale waxa uu ka Hadlay Xiisadda Siyaasadeed eek a taagan Deegaanka Galbeedka Somaliland, waxana uu arrintaas usoo jeediyey inay Guurtidu ka Gaabiyeen, isla-markaana Xukuumaddu aanay aanay marin waddadii xalka xalka lagu raadinayey, waxana uu yidhi,
“Mushkilada Awdal ka taagan iyo Suldaankan la sheegay inuu Buuro fuulayna meesha may qabanayn oo haddii reer Awdal ay wax tabteen sida salaadiintii kaleba u sugayaan tabashada ayey ahayd inuu suldaankanina u sugo. iyada lafteedana waxan ku dhaliilayaa inaanay xukuumaddu inaanay u hagar bixin oo aanay marin nidaamkii khilaafka loo xallin jirey, xalkana waxa lahaa xukuumadda oo siyaasaddaa wax hoggaamisa, cidda ka gaabisay sida Cabdiwaraabe sheegayna waa Guurtida.”
Siciid Sulub Maxamed waxa uu tilmaamay inay xukuumaddii uu ka tirsanaa ahayd mid dalka wax badan kasoo qabatay, isla-markaana dalka gaadhsiisay heer lagu faani karo, isagoo carrabka ku adkeeyey in inta badan waxa xukuumadda Kulmiye ku faantaa ay yihiin qaar ay iyagu meel fiican soo gaadhsiiyeen.
Siciid Sulu boo ka Jawaabayey Su’aal la xidhiidhay Awooddii xad-dhaafka ahayd ee uu lahaa xilligii uu Golaha Wasiirrada ku jirey, waxana uu ku jawaabay inaanay jirin awood dheeraad ah oo uu lahaa, balse uu madaxweynihiisii iskag dhigi jirey Nabaradda kusoo socda, waxana uu yidhi,
“Awood aan anigu lahaa ma jirin, laakiin dedaal iyo daacadnimo aanu si fiican ula shaqaynaynay ayaa jirtey naga dhaxaysay Madaxweynahayagii, Marka Duruufuhu adkaadaan Haddii aanad garabka madaxweynahaaga ka bixin oo aad Nabarrada iskaga dhigto, Hadal hayntu waxay kugu badanaysaa, haddii aad ragga qaar dhuumatana waxad noqonaysaa nin aan la hadal haynin.”
Siciid Sulub waxa uu tilmaamay in iska caabinta Mucaaridkii Xukuumaddoodii kasoo horjeeday ay dedaal badan gelin jireen iska caabintooda, balse Xukuumadda Maanta Jirtaa aanay lahayn mucaarid adag oo dhibaato ku keeni kara.
SDN/QJ