Madaxweynaha Somaliland Oo Degreeto Ku Dhaqangeliyey Xeerka Komishanka AIDS-ka Oo Baahi Weyn Loo Qabay
Hargeysa:Jan,12,2015(SDN/QJ)-Madaxweyne Siilaanyo, ayaa xalay Xeer Madaxweyne kusoo saaray Xeerka Komishanka AIDS-ka ooh ore ay Golaha Wakiilladu u ansixiyeen, kaas oo baahidiisu taagan tahay.
War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa lagu sheegay inuu madaxweynuhu Xeerkaan Meelmariyey, waxana uu War-saxaafadeedkaasi u qornaa sidatan soo socota:
WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/WM/240-2909/012015 ku dhaqangeliyey Xeerka Guddida (Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka Xeer Lr. 67/2014
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada Go’aan Lr. GW/G/KF-26/645/2014 ee ku taariikhaysan 05/01/2015 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Guddida (Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka Xeer Lr. 67/2014.
Wuxuu Soo Saaray Xeerkan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Guddida (Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka Xeer Lr. 67/2014.
SDN/QJ