|

40-Hoggaamiye Oo Ka Qayb Qaadanaya Dibad Bax Faransiiska Ka Dhici Doono Oo Lagaga Soo Horjeedo Weerarkii Paris Laga Fuliyey

Paris:Jan,11,2015(SDN/QJ)-Isku soo Bax weyn oo ay ka qaybgelayaan Hoggaamiyayaal tiro badan oo caalamka  ka tirsani, ayaa laga qaban qaabinayaa Badhtamaha Magaalada Paris, si loo muujiyo Murugada Dadkii dhawaan Halkaas lagu laayey.

hcrDibadbaxa ayaa lagu muujinayaa sida looga xun yahay weerar ay 17 qof ku dhinteen oo lagu qaaday xarunta Wareys Aflageeyay Nabi Muxamad NNKH, waxana Magaalada Paris kusoo qulqulayaa Hogaamiyayaal Caalamka laga yaqaano oo diyaar u ah inay isu soo  baxaas ka qaybgalaan.

Waxaa la filayaa in Dibadbaxa ay kasoo qeyb galaan 40-hogaamiye,sidoo kale dadka isku soo baxa dhigaya ayaa la filayaa in tiradooda ay gaadhi doonto hal Million oo dad ah.

Saraakiisha dalka Faransiska ayaa kun askari oo boolis ah iyo in kabadan kun ciidamada sida gaarka u tababaran ku daadisay magaalada Paris.

Wasiirka arimaha gudaha dalkaasi waxa uu sheegay in xaalad fejignaan ah la gali doono todobaadyada soo socda.

Argagixiii Faransiisku ka qaaday Dilkii Dhawaan Labada Nin ee Walaalaha ahi ka fuliyeen Gudaha Magaalada Paris, ayaa noqotay wax aan maskaxdooda ka bixi Karin, waxana wali Shacabka Faransiiku ka sheekaynayaan Naxdintii ay arrintaas ka qaadeen.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed