Wasiir-ku-xigeenkii Hore Ee Amniga Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Goor dhaweyd Xorriyadiisii Loo Celiyey
Hargeysa:Jan,11,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa Goor dhaweyd Xorriyadiisii dib ugu celisay Wasiir-ku-xigeenkii hroe ee Amniga Cabdilaahi Abokor Cismaan oo muddo dheer u xidhnaa Cadho Madaxtooyadu ka qaaday Hadallo uu Warbaahinta Siiyey.
Warkan oo ay noo xaqiijiyeeen Ehelka Cabdilaahi Abokor, ayaa waxa si adag uga Hawlgalay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Odayaal saaxiib dhaw la ah madaxweynaha, kuwaas oo ku cadaadiyey Madaxweynaha in si degdeg ah loo sii daayo Masulkan u xidhan fikirkiisa.
Cabdilaahi Abokor ayaa muddo dheer ahaa Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha dhinaca Ammaanka, waxana waxa aqalkiisa oo Hargeysa ku yaalla ugu daatay Ciidamo RRU ah oo si weyn u hubaysnaa, kuwaas oo kusoo qabtay Amar madaxtoyada kasoo baxay.
Xadhigga Cabdilaahi Abokor, ayaa waxa si adag u cambaareeyey masuuliyiin, siyaasiyiin, Mudanayaal iyo dad kale oo miisaan ku leh Gudaha Somaliland, waxana arrintan soo dedejiyey xaaladda siyaasadda ee Dalka oo haatan aan xasaasiyad lahayn.
SDN/QJ