|

Xisbiga Ucid Oo Xukuumadda Siilaanyo Ugu Baaqay In Xidhiidhka Loo Jaro Dawladda Xasan Sheekh Oo Ku Xad Gudubtay Jiritaanka Qaranimada Somaliland

Hargeysa:Jan,11,2015(SDN/QJ)-Kadib markii  ay wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Urur-goboleedka ay  Muqdisho kasoo saareen War-murtiyeed qoddobo kamid ahi hoos u dhigeen Qaranimada Somaliland, ayaa Xisbiga Ucid uu Arrintaas kasoo saaray warsaxaafadeed ay ku dhaliilayaan tallaabada IGAD ku dhawaaqaday, waxana ay soo jeediyeen in la qaado jawaab  loo dhan yahay.

ucidkXoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusuf Keyse Cabdilaahi waxa uu sidaa ku sheegay Warsaxafadeed uu ku saxeexan-yahay oo uu nuqul ka mid ah  soo gaadhsiiyay Xafiiska Shabakada Wararka ee Qurbejoog.com ee Magaalada Hargeysa.

“Sida warbaahinta lagu shaaciyey, Wasaaradda Shidaalka iyo Macdanta ee Somalia Ayaa Soo Saartay War-murtiyeed ay Shirkadda Chinese ka ah Ee Marka La Soo Gaabiyo La Yidhaahdo ARC kaga mamnuucayso Hawlaha Macdan baadhista iyo maalgashiga ee ay ka waddo JSL, gaar ahaan Gobolka Awdal, iyagoo shirkaddasi ku Eedeeyey in aan Shirkaddu haysan Oggolaanshaha Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheikha oo ka taliya qaybo ka tirsan Muqdisho oo keli ah.

Xisbiga UCID, wuxuu ku wargelinayaa nidaamka ka taliya Muqdisho ee Dowladda Xasan Sheik Mohamoud, inay ka waantoobaan  sheegashada ka talinta Geyiga Somaliland oo dhulkiisa, Baddiisa iyo Hawadiisuba xor ka yihiin wixii la isku odhan jidhan Somali-weyn, Maadaamama Shacbiga dega Somaliland ay hore u Go’aansadeeen Aayo ka talintooda (Self Determination) bishii May 1991kii, xaqa Aayo ka tashiguna waa xuquuq Aasaasi ah oo waafaqsan Xeerarka Qaramada Midoobay iyo guud ahaan bulshooyinka Demoqraadiga xorta ah.

Xisbiga UCID, wuxuu ku wargelinayaa Dowladda China iyo Dowladaha aan saaxiibka la nahayba in Shirkadda ARC ee wadanka China iyo Kuwa kaleba ay ku joogaan, kuna shaqeeyaan Oggolaanshaha iyo Heshiisyada ay la galaan Qaranka Somaliland, sifo waafaqsan nidaamka dowladnimo iyo shuruucda Maalgashiga ee JSL.

Xisbiga UCID wuxuu beesha Caalamka u caddaynayaa inay been abuur tahay inay ka jiraan Gobolka Awdal Colaado sokeeye, barokac iyo Hawo Nabadgalyo Darotoona, waana Gobolka ugu nabdoon Gobollada JSL. Danta ka dambaysa War-Murtiyeedkan Xukuumadda Muqdisho waxa looga gol leeyahay in lagu dumiyo Dowladnimada iyo Jiritaanka Madaxbannaanida JSL.

Xisbiga UCID, wuxuu uga digayaa Madaxweyne Xasan Sheik iyo Kooxdiisa Dammul jadiid ee ku hamuumay Iibsiga iyo boobka Hantida Ummadda Somaliyeed, inay joojiyaan isku dayga Fitno abuurka ah ee la rabaan in khalkhal lagu geliyo amniga iyo wadajirka Ummmadda Somaliland, isla markaana, aan Ummadda Somaliland sinaba ugu dulqaadan doonin hagardaamo kasta oo lagu wiiqayo Madaxbannaanida JSL.

Xisbiga UCID, Wuxuu ugu baaqayaa Xukuumadda Somaliland inay si deg deg ah Cilaaqaadka loogu jaro Maamul ka  Madaxweyne Xasan Sheik Mohamoud, lana Joojiyo nooc kasta oo wada hadal iyo la shaqayn ah oo ay la gashay inta la helayo Xukuumad Haysta Kalsoonida Ummadda Somaliyeed Oo dhan, maadaama Nidaamkaasu ka baxeen kuna fashilmay sidii lagu heshiyey Shirarkii Turkiga, London iyo kii Ugu Danbeeyey Ee Djiboutiba.

Tan kale, Xisbiga UCID wuxuu u soo jeedinayaa in Xukuumadda Siilaanyo joojiso keli-talisnimada iyo amar ku taagleynta heshiisyada Maalgashiga shisheeye (National investment Law),  oo ay talada wax ka siiso Axsaabta Qaranka,loona Oggolaado inay saami iyo talloba ku yeeshaan dadka Deegaannada laga hawlgelayo, si ay u timaado in la wadaago kheyraaadka Dalka si siman.”

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed